Dariiqada ay Golaha Guurtidu u Mareen Mudo Kordhinta ka badan Soo Jeedintii Xisbiyada iyo Komiishanka
Hargaysa 11.May 2015 (SDN/QJ) -Golaha Guurtidda JSL , ayaa isagoo tixraacayay warqada Madaxwaynaha JSL ee LrJSL/M/GG/81/2-3218/04/2015 ee25/04/2015, kuna saabsanayd nuxur ahaan ka waajibaad qaadashada dibu- dhaca ku yimid doorashadii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda, kuna lifaaqnayd warqaddii koomishanka doorashooyinka qaranka, ayaa gudo galay muddo korodhsiimada .
Si Goluhu uga guto xilka kaga aadan, ayuu shir- Gudoonka Golaha Guurtidu u magacaabay guddi ka koobnayd 30 xubnood, oo kala ahaa 28 mudane, Xoghayaha Guud ee Golaha iyo lataliyaha sharciga 30/04/2015, Goluhuna ansixiyay kuna ansixiyay cod loo dhana(Unanimous ) .
– See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=155680#sthash.Td3akkyi.dpuf
Sidoo kale waxay Guddigu kullankooddii labaad-(2aad) la kala yeesheen xisbiga kulmiye iyo Koomishanka Doorashooyinka qaranka(KDQ) 06/05/2015.
Kullamaddaasi waxa lagu dhagaysanayay araa’da ay qabaan iyo wixii tallooyin ah ee ay soo jeedinayeen . Dhinaca kale xubnaha Guddiggu waxay caddaymo iyo su,aalaba ku waydiiyeen Guddigga Doorashooyinka Qaranka . caddaymahaasi iyo su’aalahaasiba waxay ahaayeen qaar dhinacyo badan oo kala duwan taabanayay.
Ugu dambayntii Guddiggu waxay tallo soo- jeedin dambe ka dhagaysteen Xisbiyada Qaranka 09/05/2015, taasi oo ay ku kordhinayeen tallo soo-jeedimahoogii hore .
Guddiggu dood iyo falanqayn ka dib waxay qiimayn mugleh oo ballaadhan ku sammeeyeen xaalaadka guud iyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira dalka.
Dhinaca kale waxay Guddiggu diirada ku saareen , lagama maarmaana u arkeen in Diwaan-galinta muwaadinka , codbixiyayaasha iyo doorashooyinkuba si xor ah , xalaal ah oo nabadgalyo ku dheehantahay uga wada qabsoomaan dhammaanba dalka , gaar ahaana Gobollada iyo Degmooyinka Bariga ,iyado la ilaalinayo midnimadda iyo isu-dhamaashaha dhul ahaaneed ee JSL .
Guddiggu waxay yaqiinsadeen inay jiraan fara-galino dibadeed oo lagu kala qaybinayo, dad ahaan iyo dhul ahaanba JSL, taasina ay ka soo horjeedo jiritaanka iyo midnimadda ummadda Somaliland , sida ku cad Qoddobka 38aad, farqadiisa 4aad, xarafkiisa (b) ee Dastuurka JSL .
Guddiggu waxay is- tuseen baahida loo qabo xoojinta amniga Gobolladda iyo Degmooyinka Bariga , iyo isla-marahaantana xal u helidda wixi tabashooyin iyo khilaafaad jira, taasi oo ubaahan wakhti lagaga bogan karo suullinta arrimahaasi , iyadoo la –isla kaashanayo Dawlad iyo shacbiba .
Waxa kale oo Guddiggu, dood iyo falanqayn dheer ka dib , garwaaqsadeen inay jiraan qabyooyin dhinaca shuruucda ah, oon la’aantood la mudayn Karin , lana qaban Karin doorashada.
Guddiggu waxay intaasi ku dareen xaalada cimmilladda ee dhinaca xeebaha iyo wakhtiga ku habboon inay doorashooyinku ka qabsoomaan .
Haddaba Golaha Guurtidu ,
Markii uu dhagaystay warbixintii Guddigga oo ay ku
ladhnaayeen fikradihii,aaraadii , iyo tallooyinkii
seddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka;
Markii uu qiimeeyey xaaladka , iyo duruufaha ka jira
Gobolladda iyo Degmooyinka Bariga iyo guud ahaan
ba dalka JSL ;
Markii uu lagama-maarmaan u arkay in ay ka suurto –galaan Diwaan-
gelinta muwaadinka iyo cod-bixiyeyaashu
dhammaanba dalka JSL , si ay u suganto is- raacsananta
dhul ahaaneed iyo dad ahaaneedba ee
Dastuurku waajibiyay ;
Markii uu yaqiinsaday in go’aankii ay ku cayimeen
Koomishanku wakhtiga doorashadu u ahaa mid baalmarsan,waa
faqsanayna Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyago sammeeyay
muddo korodhsiimo anay awood sharciyeed u lahayn ;
Markii ay arkeen in xeerkii hore ee doorashada ee Golaha
wakiiladu u ku dhaqankiisu ku ekaa doorashaddii
hore oo kaliya , illaa haddana anu jirin xeer u diyar
ah doorashada Golaha Wakiiladda, kaasi oo u baahan
wakhti, wada-hadal, is-qancin, iyo isu-tanaasul
dhinaca saami-qaybsiga oo hore moran uga taagnaa,
illaa haddana u ka taagan yahay;
Markii uu qiimeeyay xaaladka cimmilladda ee degmooyinka
Xeebaha dalka JSL iyo wakhtiga ku haboon inay
doorashadu ka qabsoonto ;
Markii uu si mugleh u qiimeeyay xaalaadka dhaqan/dhaqaale
bulsho, iyo nabadgalyaba, guud ahaanba , gaar ahaana
saamaynta dhaqaale ee colaadda ka oogan gacanka
cadmeed ay ku yeellatay ganacsigii Somaliland ;
Iyado laga taxadirayo , dib- u dhac dambe oo ku yimaada
Doorashooyinkan iyo mudo kordhin soo noq-noqota
Iyo dhammaystir la’aan qabyooyinka taagan ;
Marku arkay Qoddobka 42aad faqradiisa seddexaad ee
Dastuurka Jamhuuriyada somaliland ;
Marku arkay Qodobka 83aad faqradiisa 3aad iyo 5aad e
Dastuurka dalka Jamhuuriyadda Somaliland;
Isago ka duullaya , tix galiyeyna , kuna go’aan qaatay
dhammaanba asbaabaha kor ku sheegan, kuna cad;
Wuxuu soo saaray Go’aamaddani:
- Muddo korodhsiimooyin.
1- Waxa la-laalay muddada doorasho ee ku cayiman
warqadda lambar KDQ/XK/406/2015 ee 20/04/2015, kana soo
baxday xafiiska koomishanka Doorashooyinka Qaranka , madama anay
waafaqsanayn xeerka doorashada lambar 20/2001,qoddobkiisa 8aad
oo u dhigan nuxur ahaan “in anay koomishanku cayimi Karin muddo/maalin
doorasho oo ka baxsan dhammaadka muddo xileedka Madaxwaynaha, ku
xigeenka iyo Golaha wakiiladdaba, ‘’sido kalana anay waafaqsanayn qoddobada
42aad iyo 83aad ee Dastuurka JSL .
2- Waxa muddo xileedkii Madaxwaynaha iyo ku xigeenka
Madaxwaynaha oo ku eg 27/7/2015, lagu sammeeyay korodhsiimo
ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.
3- Golaha Wakiiladda oo dhammaadka muddo xileedkoodu ku egyahay 27/7/2015, lagu sammeeyay muddo korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.
4– Muddo xileedka Golaha Guurtiddu wuxu noqonayaa hal sano ka dib (one year after) dhammaadka muddo xileedka Golaha wakiiladda oo noqonaya 27/4/2017, sida waafaqsan ama ku cadba go’aanka lambar GW/KF-19/245/2003 ee 29/03/2003, una dhigan “in muddada xilka Golaha Guurtiddu markastaba hal sano ka dambayso taariikhda dhammaadka muddada xilka Golaha wakiiladda ” .
5- Doorashada Maddaxtooyada iyo Golaha Wakiiladdu waxay qabsoomayaan isla hal wakhti, ahna bil ka hor dhammaadka muddo xileedka loo kordhiyay , oo waafaqsan qoddobadda 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Dalka Jamhuuriyada Somaliland .
B- Wajibadka la kala qabanayo, la wada qabanayo iyo hawlaha la
dhammaystirayo
- Iyadoo xukuumaddu horumuud ka ah , waa in si deg-deg ah qorshe dhammaystiran oo iskaabaya ( comprehensive and special programme ) oo qaran lagu wajaha Gobolada iyo Degmooyinka Barriga , oo laga taabo- galiyaa maamul adag iyo amni, si looga suurto- galiyo diwaangelin muwaadin , cod-bixiye iyo doorashaba .
Sidoo kalena loo sammeeyaa Barnaamij hawleed u gaar ah , oo laga wada qayb –galayo Goleyaal ahaan ,Xisbiyo Qaran ,koomishan doorasho, waxgaradka bulshada qaybahooga kala duwan iyo shacbiba .
- Qabyooyinka dhinaca xeerarka Goleyaasha (Wakiiladda iyo Guurtiddaba) iyado xukuumaddu ku hoggaaminaysa waa in si wada jir ah oo xil-kasnimo ku jirto loo dhammaystiraa , qorshe deg-deg ahna laga yeesha . waajibaad gudasho la’aan ayay noqonaysaa haddii aan loo qalab qaadanin dhammaystirka qabyooyinka dhinaca shuruucda .
- Golaha Guurtidda waxa ku waajib ah isagoo gacan-siinaya xukuumadda inuu ka qayb qaato iskuna diyaariyo adkaynta nabadgalyada iyo wacyi-gelinta bulshadda qaybaheeda kala duwan.
- Golaha wakiiladda waxa ku waajib ah in uu meel-mariyo qaybna ka qaato hindise sharciyeedyada qaranku u bahan yahay si fir-fircoon
oo xilkasnimo ku jirtana u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah .
- Koomishanka Doorashooyinka Qaranka waxa waajib ku ah in ay ku tallo –galaan siddi Degmo kasta iyo Gobol kasta looga hirgalin lahaa diwaan-gelin muwaadin , codbixin iyo doorashaba.
- Koomishanka Doorashoyinka qaranku , waa in ay ku tallaabsadaan barnaamij wax ku ool ah oo horseedaya doorashooyin xor iyo xalaal ah, qof kastaana ku dhiiban karo hal cod oo keliya, isla -marahaan –taana siiyaan muwaadiniinta isdiwaan-gelinaysa wakhti ku filan.
- Koomishanka waxa waajib ku ah ku dhaqanka shuruucda iyo Dastuurka dalka JSL.
- Xisbiyada qaranka waxa waajib ku ah in ay la yimadan Barnaamijyo siyaasadeed oo bulshadda ka gudbinaya caqabadaha kala duwan ee haysta ee ragaadiyay horu-markooda, kana waantoobaan wixii bulshadda iska horkeenaya ee dibu-dhaca ku keenaya.
Ugu dambayntii Goluhu wuxuu baaq u soo jeedinaya ummadda reer Somaliland Guda & Dibadda, waxayna ka codsanayaan kuna adkaynayaan in taabogalinta iyo meelmarinta himmilooyinka Qaranka meel looga soo wada jeesto yar iyo waynba.
Dhinaca kalana beesha caalamka waxaan u shegayna in qarankani iyo ummaddiisuba u baahan tahay tageeradooda ,balse teegaradoodu anay noqon mid ka soo horjeeda maslaxada, danta, rabintaanka, doonista shacbiga iyo jiritaanka madax-bananidda JSL.
Go’aamadani waxaa lagu ansixiyayay oo ogoladay 72 iyado tirada kooramku ahayd 77 waxa diiday2 waxaa ka aamusay 0 Gudoomiyuhuna ma uu coddayn.
NB waxaa ku lifaaqan halkani liistadii Guddigga ,xubnihii madasha fadhiga ka
qayb-galay.
Allaa Mahadleh
Saxeexa Shir/Gudoonka
1- Sulaymaan Maxamuud Aadan Guddoomiyah G/Guurtidda JSL ______________________
2- Siciid Jaamac Cali Guddoomiye ku-xigeenka 1aad G/G JSL ______________________
3- C/raxmaan Sh. Yuusuf Sh. Madar Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee G/G ______________
4- C/laahi Ibraahim Habane Xoghayha Guud ee G/Guurtidda JSL _______________