|

War degdeg: Golaha Guurtida Oo Ku Dhawaaqay Muddo-kordhin Laba sano ku dhaw Oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Loo Samayey

Hargeysa:May,11,2015(SDN/QJ)-Golaha Guurtida Somaliland, ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay Muddo-kordhin loo sameeyey xukuumadda Madaxweyne  Siilaanyo, taas oo ay cod u qaadeen guurti ahaan.

11111Golaha, ayaa waxa ay soo saareen Go’aan Gole ay muddada ugu  kordhiyeen xukuumadda iyo golaha Wakiillada taas oo ah muddo sanad iyo toban bilood ah, kana bilaabmaysa  bisha july ee sanadkan kuna dhammaanaynsa dhamaadka Bisha april ee sanadka 2017-ka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Cabdilaahi Dheere, ayaa Go’aankaas saxaaadda u akhriyey, waxana uu sheegay inay Gole ahaan isku waafaqeen in mudddaas loogu daro xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.

Go’aanka Guurtida, ayaa lagu sheegay inaanay Guddida Doorashooyinku xaq u lahayn inay muddada doorashada cayimaan, isla-markaana ay Guurtidu xaq u leedahay ciyaamadda Maalintaas.

Warkaas oo faahfaahsan goor dhaw filo

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed