|

Ciidamo Tiro Badan Oo Saaka Dhooban Waddooyinka Halbawlaha ah Ee Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland, Dariiqyo Xidhan Iyo Ballanta Is-muujinta Waddani Oo Maanta La Filayo

Hargeysa:May,11,2015(SDN/QJ)-Somaliland gebi ahaanba waxa saaka ka jira Jawi ka duwan midkii ay muddooyinkan kusoo jirtey, waxana Dariiqyada Faras-magaalaha ee Magaalooyinka waaweyn ee Dalka lagu arkayaa Ciidamo  tiro badan oo loogu talo galay inay ka hortagaan Muddaharaadka uu xisbiga waddani ku baaqay.

dhebDhammaanba Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Borama, Ceerigaabo, Berbera, Gabiley Iyo Oodweyne, ayey wararka saaka naga soo gaadhayaa sheegayaan inay diyaar ku yihiin tiradii ugu badnayd ee Ciidan ah, isla-markaana ay jiraan Meelo gaar ah oo aan loo ogolayn shacabka inay gebi ahaanba maraan ama adeegsadaan.

Wadooyin Halbawle ah, ayaa xidhan oo ciidamo xidheen, waxana sidoo kale  suuqayda lagu arkayaa Baabuurta kala duwan ee Ciidamadu adeegsadaan, gaar ahaan Gaadiidka dheereeya ee Ciidamada RRU-du adeegsadaan, waxana heegan sare loogu jiraa In gacanta lagu qabto shakhsi kasta oo lagu tuhmo inuu Mudaharaad diyaar u yahay.

Wararka nasoo gaadhaya, ayaa sheegaya inaan Magaalooyinku isku mid ahayn, balse meelo gaar ah culayska la saaray, iyadoo  Culaysyada ugu waaweynna laga soo sheegayo magaalooyinka Burco, Ceerigaabo, Gabiley, Borama iyo Hargeysa oo ah Goobaha ay ku dhaqan yihiin Taageerayaasha ugu badan ee Xisbiga Waddani leeyahay.

Habeenkii xalay waxa Magaalada Hargeysa ka baxay tiradii ugu badnayd ee Ciidamo RRU, SPU iyo Boolis iskugu jira, waxana ay usocdaaleen Magaalooyinka kale ee Dalka, kuwaas oo saakaba diyaar ku ah meelihii loo asteeyey.

Magaalada Hargeysa waxa xidhan waddada hormarta Madaxtooyada oo ciidamo tiro badan lagu arkayaa,waxana aan la ogolayn inay Gaadiidka dadweynuhu waddadaas maraaan.

Jawiga guud ee Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, ayaa gebi ahaanba ah mid ka duwan sidii caadiga ahayd, waxana inta Badan aan la furin Meheradaha Ganacsiga, iyadoo dadku qabaan Cabsi ah in ciidamada waddooyinka lasoo dhoobay iyo dadka mudaharaadka doonayaa isku dhacaan.

Dhinaca kale waxa la filayaa inay maanta Golaha Guurtidu shaaciyaan Muddo-kordhin loo samaynayo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo la filayo in Natiijada ay iclaamiyaanna noqon doonto mid keenta gadood ka yimaadda Axsaabta Mucaaridka ah.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed