Akhri Magacyada Saraakiil Xisbiga Waddani Katirsan Oo Xalay Ciidanka RRU-du Guryahooda kala Baxeen, Qaar Kale Oo Raacdo Loogu Jiro iyo Xaaladda Hargeysa Oo Kacsan
Hargeysa:May,11,2015(SDN/QJ)-Jawiga Magaalada Hargeysa, ayaa si weyn isku beddelay, tan iyo intii xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani uu ku Baaqay in Maanta Mudaharaad salmi ah ay Taageerayaashiisu iskugu soo baxaan, waxana xalay la arkay dhaqdhaqaaqyo shacabka Cabsi badan ku abuuray oo Ciidamada Ammaanku samaynayeen.
Tallaabooyinka shacabka cadhada geliyey, ayaa waxa kamid ahaa Amarro uu wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde bixiyey oo salka ku hayey xadhig xalay lagula kacay Saraakiil katirsan Xisbiga Waddani, kuwaas oo Ciidamada RRU-du aqalladooda kala baxeen xilliyo dambe.
Saraakiisha Xisbiga Waddani katirsan ee xalay Xabsiyada loo taxaabay, ayaa ku Hawllanaa Mudaharaaddo baahsan oo Caasimadda in laga dhigo la qorsheeyey, waxasase uu Wasiir Waran-cadde xalay ciidanka faray inay Xidhaan Saraakiil gaar ah oo lagu tuhunsan yahay inay Xarfaan ku yihiin Abaabulka dadweynaha.
Ma Cadda tirada Saraakiisha xisbiga laga xidhxidhay ilaa xalay, balse sida xogoha aanu Haynaa sheegayaan, waxa Dadka la xidhay kamid ah Ex Xghayahihii hore ee D/hoose ee Caasimada Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur,iyo Taliyihii hore ee Saldhiga New Hargeysa Mujaahid Cabdiraxmaan Maxamuud(Cabdi-Sigis),iyo Maryam Maxamuud Dirir.
Ciidamada RRU-da ayaa ilaa xalay raacdo ugu jirey Rag kale oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyihii hore ee Gobolka M/jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi(xamarji), waxana ay marar badan ciidanku ku noqnoqdeen Aqalkiisa, balse kuma ay guulaysan inay gacanta kusoo dhigaan.
Xaaladda Guud ee Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Midda Hargeysa, ayaa si weyn u kacsan, waxana jira Warwar laga qabo inay Xaaladdu Faraha ka Baxdo, maadaama xukuumaddu ku dhaqaaqday Xadhig iyo Cabudhin lagu hayo Xisbi qaran oo arrin Distoori ah ku tallaabsaday.
Maanta ayaa gebi ahaanba Magaalooyinka Somaliland, waxa looga Ballansan yahay Mudahharaad uu Xisbiga Waddani ku baaqay, waxana la filayaa inuu Mudaharaadkaasi qabsoomo, inkastoo ka hortag badan ay ciidamada Ammaanku ilaa shalay ku Hawllanaayeen.
SDN/QJ