Badheedhaha Xukuumada ee Joojinta Mudaharaadkii ay Xisbiga Waddani ku Baaqeen DAAWO
Hargaysa 10.May 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay in Xukuumadda ayaan ay xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uga digayaan Mudaharaadka salmiga ah ee uu ku baaqay inay dalka ka dhacayo.
“Maxaynu ka dhaxalay Muddaharaadadii hore ee la sameeyay?, waxaynu ka dhaxalay agoomo,waxaynu ka dhaxalay Goblan, waxaynu ka dhaxalay Caruur lagu soo tabcayay oo 25 jir ah oo Jaamacaddaha ka baxay oo aynu ku wayno, waxaynu ka dhaxalay dhibaato.” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.