|

Xisbiga Ucid oo Cadeeyay inaanu ku Jirin Mudaharaadka Xisbiga Waddani ku Baaqay,Iyo Xukuumada oo diiday DAAWO

Hargaysa 10.May 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga Waddani ayaa ku baaqay inay Maalinta beri ah Samayn doonaan Mudaharaad Salmi ah oo ay ku diidan yihiin Mudo Kordhin ka duwan tii ay soo jeediyeen Komiishanka Doorashooyinka qaranka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay inuu diiday qoraalka dalabka Mudaharaadka ee ay u soo Gudbiyeen Xisbiga Waddani kaas oo uu sheegay inaanu Xiligan Munaasib ku ahayn.
Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa dhankiisa shaaciyay in aanu Xisbigoodu qayb ka ahayn Mudaharaadkaas oo ku kooban Sida uu Yidhi Xisbiga Waddani.

Comments are closed