|

War Degdeg ah: Hoggaamiyayaasha Saddexa Xisbi-qaran Oo Shir Albaabadu u xidhan yihiin Kula Jira Guddiddii Guurtidu u Saartay Kasoo Talo-bixinta Muddo-kordhinta Xukuumadda iyo Wakhti kii Komishanka Ka Duwan Oo La Isku Raacay

Hargeysa:May,09,2015(SDN/QJ)-sida uu kusoo warramayo wariyaha Qurbejoog.com ujooga Xarunta Golaha Guurtida Somaliland, waxa shir albaabadu uxidhan yihiin Halkaas ku leh Hoggaamiyayaasha Axsaabta qaranka Somaliland ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani, waxana la filayaa in halkaas lagu kala saxeexdo heshiis xukuumadda Loogu kordhinayo Muddo lagu wada Qanacsan yahay oo ka badan middii dhawaan Komishanku ku dhawaaqeen.

BREEKINSida wariyahayagu sheegayo, waxa uu Haatan Goobta ku sugan Guddoomiyayaasha Xisbiyada Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi iyo Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, waxana la sugayaa oo jidka kusoo jira Guddoomayaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo la sheegayo inuu ku mashquulsan yahay cadho xisbigoodu ka qaaday Muddada cusub ee Xukuumadda loo kordhinayo.

Sida warriyahayagu xogaha ku hayo, waxa shir xalay ay Madaxda Saddexda Xisbi qaran yeesheen la iskula gartay in xukuumadda Loo sameeyo muddo-kodhin sanad iyo  lix bilood, ah, taas oo ku eg Dhamaadka Bisha November ee Sanadka 2016-ka, iyadoo arrrintaasina tahay heshiis dhexmaray Hoggaanka Saddexda Xisbi-qaran, isla-markaana ay Guddida Guurtidu u saartay Kasoo talo-bixinta Muddaduna ay fudaydiyayaal ka yihiin.

Shirka haatan la gelayo, ayaa lagu sheegayaa inuu noqon doono mid lagu falanqayn doono shuruudo dheeri ah oo heshiiskaasi wato, kuwaas oo ay kamid yihiin in qoraallo lagu heshiis yahay  oo lagu sheegayo waxa la yeelayo haddii  xukuumaddu muddadaas sanadka iyo lixda Bilood ah ay doorashada ku qaban weydo.

Xisbiga Waddani, ayaa la sheegayaa inuu shuruudo dhawr ah oo nooca ah wato, iyadoo xisbiyada Kulmiye iyo Ucidna isku dhaw yihiin oo ogolaansho ka muujiyeen Mudadada cusub ee Xukuumadda loo kodhin doono.

Dhinaca kale wararka aanu hayno, ayaa sheegaya in Khilaaf hoose ka dillaacay Xisbiga Waddani dhexdiisa, iyadoo Xubno xisbiga Miisaan ku lihi si weyn uga biyo diideen inay aqbalaan Muddo-kordhinta cusub ee Xukuumadda loo samaynayo.

Guddoomiye Cirro ayaa Haatan shirar hoose hoggaanka Xisbigiia la leh, waxana uu isku dayayaa inuu damiyo duufaanta khilaaf ee uu muddadani Cusubi xisbigiisa ka dhex dhalisay, waxana lagu wadaa inuu u hoggaansanaado  Heshiiska axsaabtku muddada ku kordhinayaan.

Marka Hoggaanka Saddexa Xisbi-qaran iyo Guddida Guurtidu arrintan u xilsaartay meel wax isla dhigaan, ayaa la filayaa in Heshiiskooda la horgeeyo Gole-weynaha Guurtida, kuwaas oo Cod ku meelmarin doona.

Wixii dambe ee shirkan kasoo kordha kala soco wararkayaga dambe.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoo.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed