|

Sucuudiga iyo Xulufadiisa Oo Ku Dhawaaqay Xabad-joojin Shuruudaysan

Riyad:May,09,2015(SDN/QJ)-Xulufada uu Sucuudigu hoggaamiyo, ayaa sheegtay inay ku tallaabsan doonaan Xabad-joojin bilaabmi doonta Maalinta Salaasada ee Bishan May tahay 12-ka.

karerXabad-joojintan oo uu fudaydiyey Xoghaye John Kerry oo Dalka Sucuudiga Booqasho ku jooga, ayaa xalay uun la iclaamiyey, waxana hadallo kooban ka jeediyey Xoghaye Kerry oo tilmaamay inay Tallaabo muhiim ah oo dhinaca Bani’aadamnimada loo qaaday tahay.

Waxa uu xoghaye kerry sheegay in ujeedadda xabad-joojintaasi tahay sidii caawimo loo gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan ee dagaalada dhibtu kasoo gaadhay.

Xabad-joojinta Sucuudiga iyo xulafadiisu ku dhawaaqeen ayaa ah mid aan cago adag ku taagnayn, iyadoo markasta isbeddeli karta Haddii ay xuutiyiintu wax weerar ah sameeyaan.

Lama shaacin muddada ay Xabad-joojintaasi socon doonto, balse waxa ay u muuqata mid ku muddaysan inta dadka dhibaataysan lagu gaadhsiin karo caawimaadda loo qoondeeyey, waa Haddii aanay Xuutiyiintu weerarr hor leh ku dhaqaaqin.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed