Maamul-goboleedka Puntland Oo Qaaddacay Guddiyo Muhiim u ah Dawladnimada Oo Dawladda Federal-ka Ahi Ansixiyeen
Garowe:May,09,2015(SDN/QJ)-Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa si cad uga soo horjeestay Saddex Guddi oo muhiim u ah Dawladnimada, kuwaas oo laba maalmood ka hor ay Dawladda Federalka somalia meel mariyeen, isla-markaana la filayo inay Baarlamaankuna ku raacaan.
Gudiyadan oo kala ah Gudiga Adeegga Garsoorka, Gudiga Doorashooyinka iyo Gudiga Xaduudaha, ayaa Maamulka Puntland ay sheegtaya inay si rasmi ah uga soo horjeedo.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey) oo dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo ayaa wariyaasha u sheegay Puntland aanay aqoosaneyn guddiyada la magacaabay oo ay ka soo horjeedo.
“Dowladda faderaalka waxaan idin xaqiijinaya waa ay ka baxday heshiiskii Garoowe,waxaana idin sheegaya Puntland inaanay aqbaleyn guddiyada la magacaabay oo ay ka soo horjeedo,”ayuu yidhii Camey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo.
Guddidayan, ayaa loogu talo galay inay meesha ka saaraan muranka ka dhashay samaynta Maamul-goboleedyada iyo sidii ay dalka Doorasho uga dhici lahayd, waxana Maamulka Puntland muddooyinkii ugu dambeeyey caqabad uu ku ahaa Tallaabooyin ay Dawladda Federal-ka ahi qaadday oo ay ku doonaysay inay Maamullo ku samayso.
SDN/QJ