|

Mudane Katirsanaa Baarlamaanka Puntland Oo Xalay Galkacyo Lagu Dilay

Galkacyo:May,09,2015(SDN/QJ)-Mudane katirsanaa Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland oo lagu magacaabi jirey Siciid Xuseen Nuur Dirir(Siciid Lugool) iyo askari ilaaladiisa ahaa, ayaa Habeenkii xalay Kooxo Hubaysani ku dileen Gudaha Magaalada Galkacyo.

lecrDad shacab ah oo ku sugnaa Goobta uu dilku ka dhacay ayaa markii isku dayey inay gacanta ku soo dhigaan Kooxda Hubaysan ee dilka Gaysatay iyagoo Caydhsaday,balse Kooxda Hubaysan ayaa Bambaanooyinka Gacanta laga tuuro iskaga reebay dadkii Caydhsanayey iyagoo labo bambo ku soo tuuray, iyadoo taasina keentay in dadkii kasoo hadhaan kooxdaas oo ay sidaas ku baxsadaan.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur Dirir (Siciid Lugool) waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanada Puntland kuwooda laga soo doorto Gobolka Mudug,waxaana uu ka mid ahaa Xildhibaanada ugu shaqada badan Baarlamaanka Puntland, si gaar ahna waxaa loogu xusuustaa Dhismihii Maamul Hoosaadyada ama Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Mudug oo uu ka mid ahaa Guddigii ay Puntland u saartay.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Siciid Lugool ayaa Maalintii shalay Khudbad ka jeediyey Munaasibaddii xil wareejinta Maamulka Gobolka Mudug, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ammaanka iyo horumarka uu gobolka u leeyahay.

Alle ha u naxariistee Xildhibaanku ka hor intii aanu geeriyoon waxaa uu tilmaamay inuu jiro Cadow Gobolka Mudug Horumarka u diidan kaasi, oo laynaya waxgaradka Gobolka isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeedsado.

Madaxweynaha, Kuxigeenkiisa, Golaha Wasiirrada, midka Baarlamaanka Maamulka Puntland, ayaa tacsi u diray Ehelladii uu ka Baxay Marxuumku, waxana ay u rajeeyeen inuu eebe Janaddii ka waraabiyo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed