|

Shabaab Oo Shaacisay Inay Dileen Sarkaalkii Hagi Jirey Diyaaradaha Maraykanka ee Ugaadhsiga Ku Haya Hoggaamiyayaashooda

Muqdisho:May,08,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Al-shabaab, ayaa shaaciyey shaqada uu hayey sarkaal katirsanaa Nabad-sugidda somalia oo ay xalay ku dileen Xaafadda Tawfiiq ee Magaalada Muqdisho.

RUUXSarkaal oo iyaga hore xubin uga ahaan jirey, ayaa Magaciisu ahaa Dhukane, waxana ay kooxdu sheegtay inuu ahaa sirdoon sare oo Maraykaka u shaqeeya, kaas hagi jirey Diyaaradaha Drones-ka Maraykanka ee Duqaynta ku haya Saraakiisha sare ee Ururka Al-Shabaab.

Warbaahinta afka Al-Shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegay in sarkaalkaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/Xakiim ay khaarajiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalka Al-Shabaab ee lagu dilay C/Xakiim ayaa la sheegayaa inay fuliyeen ciidamo gaar ah, kuwaasi oo ku guuleystay howlgalkooda sida ay baahiyeen shabakadaha codka Shabaab ku hadla.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in C/Xakiim uu horE u ahaa madaxii Garsoorka Islaamiga ah ee degmada Diinsoor ee gobolka Bay, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ku biiray sirdoonka Mareykanka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed