|

War murtiyeed Raalligelina soona saaray guddoomiyaha Jaalliyadaha beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) kuna saxeexanyey guddoomiyaha beeshu

Bismillaahi Arramanirraxeem.  dammaan ummadda reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

 

Aniga oo ku hadlaya magaca jaalliyada beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) waxaanu shacabka Reer Somaliland ka raalli gelinayna, madaxa dhaqameedka beesha kuna dhamaayeen salaadiin,cuqaal, jiif caaqillo,boqor Raabi Yusuf iyo odayaal kale oo beesha miisaan ku leh oo uu hormood u yahay suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqadir oo warbaahinta la kulmay kuna baaqay in ay beesha shir duco u qabanayaan iyo koox laga soo hawl geliyey aqalka madaxtooda Somaliland lana damcay in lagu carqaladeeyo shirkaas duco ee ay beeshu ku kulmi doonto bishan May 2015 intaanay dhammaan,si ahaantaas waxaanu shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan u sheegayna in aanay u arag khilaaf beesha dhexdeeda ah ,arrintan ma aha mid ugub ah ee waa mid beelaha Somaliland ka simanyihiin in ay xukuumaddu kala ilaaliso beelihii soo doortay oo ay aaminsantay in ay ugu badinayso qaybi oo xukun, waxaase uga sharaf badnaan lahayd isku hay oo xaqooda ilaali.

 

Kooxdaasi waxay aflagaado iyo gaf kula kufeen suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqadir,Suldaanku wuxuu beelaha Somaliland iyo qarankaba ka mudanyahay ixtiraam iyo maamus waxaana loo baahanyey in lagu wada ilaaliyo,waxaa lagama maarmaan ah in Suldaanku meeqaamka uu dalka ka mudanyahay loo tixgeliyo oo xukuumaddu u samayso QASAR dhisme ah oo aan ahayn guri uu deggenyey kharashaadkana(QASARKA IYO SULDAANKA) lagu daro miisaaniyada dawladda,goobtaas oo noqonaysa fadhiga suldaanka kuna qaabbili karo martida dalka iyo debadiisaba uga imanaysa sida aynu ognay maammul dawladeed waa la bedela laakiin  suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqadir ma beddelmo ,haddii aan sidaas la yeelin way kala dhinnaanaysa sharafta dalku,suldaakuna wuxuu ahaanaya mid aan la marin xaqii uu dalka iyo dadkaba ku lahaa.

 

Allah ayaa mahad u sugnaatay

 

Guddoomiyaha jaalliyada qurbajoogga beesha badhtamaha,

bariga iyo koonfurta Hargaysa ee deggen UK.

Deeq Cabdi Digale

Comments are closed