Maayarka Berbera oo Shaqadii ka Eryay in ka badan 10o Hawl wadeen oo dawlada hoose u shaqaynayay iyo baaq ay direen DAAWO
Berbera 08.May 2015 (SDN/QJ)- Maayarka Magaalada Berbera Cabdi Shakuur Maxamud Cidin ayaa Ilaa Boqol ka Tirsanaa Hawl wadeenada dawlada Hoose ee Magaalada Berbera dibada ka dhigay kana eryay Shaqadii ay ka hayeen dawlada hoose.
Shaqaalahan ayaa Sheegay in aanay garanayn Sababta ay ku mutaysteen Shaqo ka saaridooda waxaanay Xuseen inay in badan oo ka mid ahi ay yihiin dad danyar ah oo Mushaharka ay ka helaan Shaqada Dawlada hoose ay ku maarayn jireen Noloshooda waxa kale oo ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen inay Soo Faro geliso Shaqo ka saarista uu Maayar Cabdi shakuur go’aanka ka gaadhay oo ay ku Tilmaameen Mid aan sharci ahayn.