|

“Maxkamadda sare ayaa mas’uul ka ah hawlaha dastuurka” Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somalia Ilko Xanaf

Muqdisho 08.May 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf  ayaa sheegay in arrimaha dastuurka ee Soomaaliya ay mas’uul ka tahay maxkamadda sare ee dalka.

Caydiid Cabdiraxman Ilko XanafIlko-xanaf oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Soomaali badani ay dhallilo u jeediyeen dastuurka KMG ah ee xilligan u degsan Soomaaliya, hase yeeshee ay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa intaas ku daray in baahi weyn loo qabo gole adeeg garsoor oo rasmi ah oo uu yeesho dalka, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la dhiso.

Guddoomiye Ilko-xanaf ayaa tilmaamay in hawsha uu sii wadayo guddigii hore ee uu kala diray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Comments are closed