|

“Soomaaliya Waxay Noqotay Dalka Ugu Hooseeya Calaamka Ee Hooyo Ku Nooshahay” Warbixin

New York  08.May 2015 (SDN/QJ)- Warbixin hay’adda caalamiga ah ee Save the Children ka soo saartay qiimeyn ay ku sameysay xaaladaha nolosha hooyooyinka dunida, ayaa lagu sheegay  in Soomaaliya kaalinta ugu hooseysa ee 179aad   kaga jiro dalalka adduunka ee hooyo ku nooshahay.

Sidoo kale, warbixintan waxa lagu sheegtay in dalka Norway yahay waddanka ugu wanaagsan ee hooyo ku noolaato, halka Soomaaliya noqday dalka ugu xun ee hooyo ku noolaan karto.

 

hooyadaDalka Mareykanka ayaa qiimayntan ka galay kaalinta 33aad, isagoo laba darajo hoos uga dhacay qiimeyn hay’addu sameysay sannadkii hore ee 2014-kii, iyadoo Soomaaliya markii labaad ka gashay meesha ugu hooseysa caalamka.

 

Hay’adda Save the Children waxay qiimeyntan ku samaysay 179 dal oo calaamka ka mid ah, waxaanna daraasaddan saldhig u ahaa shan arrimood – heerka dhimashada hooyada, xaaladda nolosha carruurta ka yar shan jirka, waxbarashada ubadka, dhaqaalaha soo gala hooyada iyo dhinaca ka-qaybgalka siyaasadda.

 

Warbxinta qiimayntan oo qayb ka mid ah Jamhuuriya ka soo qaatay, ayaa lagu xusay in carruurta ku nool dalka Norway ee da’adoodu ka hoosayso shan sanno heerkooda dhimashadu yahay 0.3%, halka Soomaaliya lagu sheegay inay tahay 15%.

 

“Hay’adda Save the Children waxay rumeysan tahay in hooyooyinka ku nool Soomaaliya iyo Maraykanka u qalmaan inay helaan fursadaha ay haysato hooyada ku nool Norway,” ayaa lagu yidhi warbixin Save the Children soo saartay shalay.

 

Liiska waddamada ugu wanaagsan caalamka ee hooyooyinka ku nool yihiin waxay u kala horreeyaan sidan; Norway, Finland, Iceland, Denmark iyo Sweden, halka dalalalka ugu xun  yihiin; Soomaaliya, DR Congo, Bartamaha Afrika, Nayjeeriya iyo Maali oo dhammaantood ku yaal qaaradda Afrika.

 

Tobanka dal ee ugu wanaagsan caalamka in hooyo ku noolaato waxay kala yihiin:

 

Norway,

Finland

Iceland

Denmark

Sweden

Netherland

Spain

Germany

Australia

Belgium.

Sidoo kale, tobanka waddan ee ugu hooseeya xagga nolosha in hooyo ku noolaato waxa ay kala yihiin;

 

Haiti iyo Seirra Leone oo kaalinta 169aad ku wada jira.

Guinea-Bissau oo kaalinta 171aad ah

Chad oo 172aad ku jirta.

Côte d’Ivoire oo 173aad ah.

Gambia oo 174aad gashay.

Niger oo kaalinta 175aad ah.

Mali oo 176aad

Jamhuuriyadda Badhtamaha Afrika oo 177aad ku jirta

DR Cong oo kaalinta 178aad ku jirta.

Soomaaliya oo kaalinta 179aad ee ugu dambaysa gashay.

Comments are closed