In ka badan Boqol Tahriibayaal ah oo Ciidamada Talyaanigu badbaadiyeen
Roma 07.May 2015 (SDN/QJ)- Saraakiisha Wadanka Talyaaniga ayaa shaaciyay inay soo badbaadiyeen Ilaa iyo 100 qof oo muhaajiriin ah oo u kala dhashay Somalia, Masar iyo Sudan kuwaas oo haatan la Gaadhsiiyay xeebaha Sicily .
Saraakiisha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in dadkan oo ay ku jiraan tira caruur ah oo aanay cidi la socon .
Qulqulka dadka muhaajiriinta ah oo si xad dhaaf ah u kordhaya ayaa waxaaa uu dhaliyay dood ku saabsan sidii loo hakin lahaa.
Madaxweynaha Faransiiska Françoise Hollande ayaa sheegay in loo baahanyahay in golaha amaanku ogolaado in la burburiyo dooonyaha dadka tahriibiya ay soo raacaan .
Hasa yeeshee guddoomiyaha Laan qayrta Cas ee Talyaaniga Francesco Rocca ayaa sheegay in duqaynta doonyaha dadka lagu tahriibiyo aanay xal ahayn, isagoo intaas ku daray in la raadiyo dariiq lagu badbaadiyo Muhaajiriinta.