|

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Kulan la qaatay Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibada Itoobiya SAWIRO

Addis ababa 07.May 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ee Jamahuriyada Somaliland, Mudane Maxamed Bixi Yonis oo beryahanba hawlo shaqo u joogay, magaalo madaxda Dalka Itoobiya ee Addis-Ababa, ayaa kulan balaadhan kula qaatay Xarunta wasaradda Arrimaha debada itoobiya   Wasiirul- Dawlaha Arrimaha Dibedda  Ethiopia Amb. Berhane

Guud ahaan  labada Masuul  waxay ka wada hadleen Xaalada guud ee Gobolka Geeska Africa, xaalada Yemen  iyo gaar ahaanba xidhiidhka dhinac yada badan ee taarikhiga ah,  walaaltinimo ee ka dhexeeya labada wadan, Somaliland iyo Ethiopia  iyo sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga  iyo walaaltinimada labada shacab,

Kulanka dhex maray wasiirka wasaaradda  arrimaha debada iyo iskaashiga caalamig ah ee Somaliland Mudane .Mohamed Bixii yoonis wasiiru dawlaha Arrimaha Dibada dalka Ethiopia Amb. Berhane,ayaa waxay sii qoto dheerada uga hadaleen xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dalalka  Ethiopia Somaliland dhinacayada ganacsiga amaan siyaasada oo sanooyinkii u dambeyey sii xoogaysanayey waxa kulanka ku   weheliney wakiil ku xigeenka safarada somaliland ee dalka Ethiopia .

 

Kulamada uu wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga Somaliland Mudane Mohamed Bixii yonis uu la yeeshay wadamada dariska iyo caalamka ayaa waxay kor u qaadaysaa sidii beesha calamku ay aqoonsi buuxada u siin  lahayeen dalka. Somaaliland.

Mudooyinki dambeyey ee u safadarada shaqo ku maraya wadamada yurub aya waxay ibaha u furaysa siday caalmku u danaynayaan inay xidhiidh la yeeshan somaliland oo ay horseedka u tahay wasarada arrimaha debada iyo iskaashiga calamig ah oo ka turjumaysa siyaasada Madaxweynaha Somaliland  Mudane Ahmed Mohamed (Siilaayo) ee xooga saraysa sidii dalkani uga iibin lahaa siyasada dhabaha u xaadhaysa ee qotada  dheer ee ka turjumaysa rabitaanka shacabka somaliland.

 

Kulan kan oo qaatay Saacad iyo Badh,waxa wasiirka Arrimaha Dibada  ee Somaliland ku weheliyay , Wakiilka Somaliland ee Addis-Ababa, Mudane Ayaanle Salaad Diiriye iyadoo Wasiiru dawlaha -Darrimaha Dibada Ethiopia uu wehelinayay Ambassador Soloman, Agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha Dibada, ee Africa, iyo xubno  kale oo wasaarada arrimaha Dibada ka tirsan.

ugu dambayn kulankani wuxu ku soo gabagaboobay guul iyo is afgarad.

itobiyo itoobiyo Maxamed-Biixi-Yoonis.jpg

 

 

 

Comments are closed