Gudoonka Gobolka Sanaag oo Magacaabay Gudida Heerka Gobol ee Qabanqaabada Xuska 18 May
Ceerigaabo 07.May 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan, ayaa maanta Magaalada Ceerigaabo kaga dhawaaqay guddida qabanqaabada munaasibada 18 May, kuwaas oo ka kooban 23 xubnood oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sanaag.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan ayaa guddidan faray inay si mug leh ugu diyaargaroobaan xuska 18 May “Maanta (shalay) waxaanu ku dhawaaqnay guddidii qabanqaabada 18 May 2015-ka, guddidaas oo ka kooban 23 xubnood, waxaan ku rajoweynahay shaqadaas loo igmaday inay si mug leh uga soo baxaan, waxaan farayaa dhamaan Degmooyinka gobolka Sanaag inay hawshaa si mug leh uga qaybqaataan oo maalintaasi waa mid qaran, Guddoomyihii gobolku isaga oo inaga maqan aynu ka sugayno wixii ay dawlada dhexe inoogu tallo gashay ee aynu hawshaa ku qaban lahayn. Wixii kalena inagu isku sii tashano oo hawshaa kaga qaybqaadano ayaan idiin rajaynayaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag.
Maayarka degmada Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur ayaa isna bulshada Ceerigaabo ugu baaqay inay si balaadhan ugu diyaargaroobaan xuska maalinta 18 May, waxaanu yidhi “Waxaan rajaynaynaa ururada bulshada, Wasaaradaha laamaha dawlada, dhamaan Degmooyinka gobolka, dhalinyarada, Haweenka, waxgaradka in qof waliba meeshiisa iska xil saaro oo arrintaana aynu ku tallo galno oo INSHA ALLAH ILAAHAY inagu guuleeyo. Tartan gobol iyo mid Degmo ayaa jira, qolo waliba waxay is leedahay yaan lagaa badin, goboladuna sidaas oo kale wey tartamayaan.”
Sidoo kale Xildhibaan Maxamuud Warsame Jaamac iyo Xildhibaan Cabdi Cabdilaahi Nuur oo ka tirsan mudanayaasha Golaha deegaanka Ceerigaabo ayaa shacabka ku dhawan gobolka Sanaag ugu baaqay inay muujiyaan qiimaha ay 18 May ugu fadhido qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland “Waxaan u sheegayaa shacabka reer Ceerigaabo hal ku dhega sannadkani inuu yahay Dalkayga Somaliland doodi kama furna, kalmadaasi macnaha ay xambaarsan tahay inaga oo weynaynayna, balankeenuna waxa weeyaan maalintaa iyo wacdaraha aynu soo bandhigno. Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay oo imika ku sugan Caasimada dalka ee Hargeysa, wuxuu ingoogu maqan yahay oo aynu ka sugaynaa agabkii iyo qalabkii aynu ku weynayn lahayn xuska 18 May ee ay qoodaysay guddia qabanqaabada heer qaran.”
“18 May oo ah maalin ku weyn Somaliland, qof kasta oo Muwaadin ah oo reer Somaliland ah waxaanu faraynaa ganacsade ha ahaado ama Wasaaradaha dawlada, ama Ciidamada ha ahaadeen in loo diyaagaroobo xuska 18 May oo si mug leh looga qaybqaato, si aynu gobolada kale uga qaadno tartan lagu tartamayo 18 May.”