Baarlamaanka Faransiiska Oo Meel Mariyey Sharciyo Cusub Oo Dhiillo Badan Laga Muujiyey
Paris:May,07,2015(SDN/QJ)-Aqalka Baarlamaanka waddanka Faransiiska, ayaa meelmariyey sharci cusub oo lagula dagaallamayo Argagixisada, kaas oo buuq badani kadhashay.
Codbixinta ka dhacday Golaha Shacabka ee France ayaa 438 Xildhibaan ay u codeeyey sharcigan cusub, waxaana diiday 86 xildhibaan, halka 42 xildhibaan ay ka aamuseen.
Shircigan cusub oo ay xukuumada France diyaarisay kadib weerarkii bishii January lagu qaaday xarunta jariirada Charlie Hebdo, ayaa ah mid u fasaxaya hay’adaha sirdoonka & nabadsugida inay baadhaan Telefonada iyo Internetka laga shakiyo.
Hay’adaha amniga ayaan iyagoo aan ogolaansho ka heysan Maxkamada baadhi kara xogta dadka shacabka ah sida ku qoran sharcigan cusub oo ay si weyn u dhaliileen hay’adaha Xaquuqul Insaanka oo sheegay inuu yahay sharci si fog ugu talax-tagaya xaquuqda muwaadiniinta Faransiiska.
Hase yeeshee waxaa xog ururin dalkaasi laga sameeyey ku cadaatay in inta badan dadka ay taageersan yihiin sharciga iyagoo cabsi ka qaba in dalkaasi ay markale ka dhacaan weeraro argagaxiso.
Dalka Canada, ayaa sidan oo kale u samaystay Sharciyo adag oo awoodo dheeraad ah siinaya ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda, kuwaas oo lagula tacaalayo tallaabooyinka Kooxaha islaamiyiinta ahi ku badhtilmaameedsanayaan Meelaha ay sida gaarka ah u doonayaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com