|

Wasiir Samsam Oo Xorriyadoodii Dib Ugu Soo Celisay 7-Wariye Oo Wasiir Cukuse Hore Xabsiga Ugu Taxaabay

Hargeysa:May,07,2015(SDN/QJ)-Toddoba kamid wariyayaasha iyo Hawl-wadeenada ka Hawlgala Wasaaradda Warfaafinta  oo uu shalay xabsiga ku guray wasiir Cukse, ayaa waxa xorriyadoodii dib ugu soo celisay Wasiirka Wasaaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan.

cerrToddabadan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ka tirsanaa oo isugu jiray Farsama-yaqaanno iyo Barnaamij soo-saarayaal ka kala tirsan Telefeshinka Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa ee ay dawladdu Maamusho, ayaa shalay ay xidheen Askarta Booliska ah ee ilaalada Wasaaraddu, ka dib markii uu Wasiirka Wasaaraddaasi dalbaday in la xidh-xidho.

Xubnahan oo Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) la sheegay inuu diiday siiddeyntooda, ayaa sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen qaar ka tirsan toddobada Weriye ee la soo daayey, waxaa soo dayntooda ka shaqaysay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo iyadu xalay ahaan Saldhigga Waaxda Macallin Haaruun ee Bariga Hargeysa ugu tegtay.

Wasiir         Samsam ayaa guul ka gaadhay soo deynta Wariya-yaashaas, waxana wasiirkii xidhay lagu qanciyey inuu xaaladahaas dhulka dhigo, kana waantoobo waxkasta oo qas iyo qalalaase ka dhex abuuri kara shaqaalaha iyo wasaaradda Warfaafinta dhexdooda.

Madax ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, ayaa Saxaafadda qaarkeed u xaqiijiyey in Shaqaalaha la xidhay ay ku kaceen rabshad iyo xaalad-abuur, isla markaana la dagaallameen Ciidanka Booliska, taasina ay soo dedejisay in la xidho si aanay xaaladdu faraha uga bixin una lumin nidaamka kala danbayneed ee Shaqada.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed