Madaxweyne Siilaanyo Oo Aqalladooda Ku Siyaartay Odayaal Isku Beel ah Oo Hore Ugu Soo Badhitaaray Gaadhista Kursiga Uu Maanta Ku Fadhiyo
Hargeysa:May,07,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Gelinkii Dambe ee shalay Aqalladooda ku siyaartay Saddex kamid ah odayaasha Reer Hargeysa oo qayb libaax kasoo qaatay gaadhista Kurisigiisa Madaxweynenimo ee uu Maanta ku fadhiyo, kuwaas oo xanuuno kala duwan ula jiifa.
Odayaasha Madaxweynuhu ku booqday guryahooda magaalada Hargeysa oo dhammaantood Hal beel kasoo wada Jeeda, ayaa kala ah Maxamed Cabdi Arabay, Maxamuud Dhool-dahable iyo Maxamed Cabdi Iskeerse, waxana ay in muddo ah ula jiifeen Xanuuno kala duwan oo haleelay.
Sida Qurgejoog.com Xogaha Ku hayso, waxa kasoo shaqeeyey booqashada madaxweynaha ee Odayaashan Madaxa Xafiiska Sama-falka ee Wasaaradda Dibu-dejinta Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, taas oo madaxweynaha ku qancisay inuu booqashadaas fuliyo, maadaama Xubnahaasi si weyn ula soo kifaaxeen xilligii uu halkanka ku jirey.
Booqashada madaxweynuhu umay Gudbin Boqolaal oday oo magac ku leh qaranka iyo Halgannadii kale ee lasoo galay, kuwaas oo Muddooyin tobanaan sano ka badan dhul yaal ugu ahaa xanuunno iyo dhaawacyo danta dalka usoo gaadhay, waxase ay ku koobnaadeen Odayaashan ee Marwada Booqashada soo abaabushay isku beesha yihiin.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu odayaashaas Ilaahay uga baryey caafimaad iyo inuu cudurka haya ka dulqaado, waxana ay iyagu dhinacooda muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin inuu Madaxweynuhu booqasho ugu tago.
Madaxweynaha, waxa Booqashadan ku wehelinayey Haweenka Awoodda ku dhex leh Madaxtooyada oo ay kid ahaayeen Marwada Madaxweynaha, Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam, Madaxa Xafiiska Samo-falka ee Wasaaradda Dibu-dejinta xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye iyo xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan).
Odayaasha xannuunsanaya ee Madaxweynuhu guryahooda ku booqday waxa ay ka mid yihiin xubnaha ugu miisaanka culus ee mus-dambeedka u ah xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shalay Booqanin oo iska agmaray La Taliyhiisii arrimaha Bariga Fu’aad Aadan Cadde oo dhaawac dartii ugu jira Cisbitaalka Gargaar, kaasoo la sheegay inay Lafta Bawdada ka Jabay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com