|

Guurtida oo Kulan la qaatay Komiishanka Doorashooyinka qaranka iyo arrimaha la isku fahmay

Hargaysa 06.May 2015 (SDN/QJ)- Guddida Golaha Guurtida Somaliland dhawaan u saaray inay lafo guraan muddo kordhin loo sameeyo Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa maanta kulamo la qaatay Guddida Komishanka doorashooyinka, waxaana laga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen arrimaha muddo kordhinta.

59ee3f13caac77479e744023b1df2fba_LGudoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa ugu horayn sharaxay kulanka Guurtidu la yeelatay guddidooda “Maanta waxaa nalooga yeedhay Golaha guurtida, waxaana nala waydiinayay oo aanu xog waran ka yeelanaynay arrimaha jira ee soo socda ee diwaangalinta codbixiyeyaasha. Xog warankii waanu kala qaadanay, si wanaagsan baanu isku fahanay, anaga iyo guurtidana guul buu kulanku noogu dhamaaday.” ayuu yidhi Mr Cabdiqaadir

Hargaysa SDN/QJ

 

Comments are closed