|

Khadar Cali Gaas Maareeyihii hore ee Tv-ga Qaranka oo ka samri waayey Dhaqaalihii iyo dhadhankii, ka dibna weerar qorshaysan ku qaaday Wasaaradii iyo Maamulkeeda oo shir kuwada jira.

Waxa la yaab ah iyo u qaadan waa noqotay markii maanta subaxnimadii hore iyada oo uu shir u socdo Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Agaasimaha guud iyo madaxa waaxyaha kala duwan, siiba farsama yaqaanada, iyo waayo araga wasaaradda oo u hormuud ka yahay Yoonis Cali Nuur, ayaa ku war helay weerar aan gabasho lahayn oo ay soo qaadeen shaqaale ka mida wasaaradaasi balse sida xaqiiqadu ku salaysan tahay la rumaysan yahay inay u xaglinayeen maareeyihii hore ee la eryey khadar cali gaas oo  maalmahan ka meeraysanaayey xilwareejinta uu madaxweynuhu faray in marka xilka laga qaado ama laga bedelo masuul qaranka u shaqaynaayey uu ku wareejiyo masuulkii lagu bedelay madaama dastuurku sidaasi faraayo masuuliyiinta una kala wareejiyo kolba cidii ay khusaysaa.

Maareeyaha Telefishanka Qarankabal u fiirso waxa ay tani kaga duwan tahay xil wareejimaha dawlada u sunaha ah waxa jirtay in khadar la waydiiyey oo la yidhi xilima ayaad wareejinaysaa xilka isna uu ku jawaabay Arbacada oo ku beegnayd maanta 06/05/2015. awood intee leeg ayuu leeyahay masuul xil laga qaaday? ma isagaa goaanka leh mise talaabadii xilka qaadista ayaa la raacayaa?

Maxaa isbedelay hadaba ee soo kordhay hadii sidaasi lagu balamay, war cusub iyo amar madaxweyne oo kale waxa laga hayaa Maareeye khadar ma wareejinaayo xilka ilaa 18 may ka dib, maxaa dhacay ayaa la su’aalay waxa uu si fudud ugu jawaabay waxan haystaa amar madaxweyne oo ah ma wareejin kartid xilka ilaa 18 may, hadaba ma cadanbaa laga heesayaa mise madaxweynihii qaranka ayaa ka noqday xil ka qaadistii masuulkan, cukuse ayaa ku jawaabay sunaha dawladnimada maaha taasi ee isku noqdo khadarow.

 

intaas ka dib waxa meesha ka dhacay af-lagaado iyo caytan dhanka maareeyaha u badnayd oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradu.

isku soo wada duubo waxa meesha ka socdaa waa la yaab iyo waxaynaan arki jirin waa habmaamul cusub oo aynana hore u arag, ku darsoo dhalinta dagaalantay waa kuwo la jaara wasaarada oo la qoray wasaaradda laguna taraxay dhawr qof oo hore u soo joogay balse la garab ah khadar cali gaas waana ta keentay in wasaarad dhan oo shaqaynaysa la weeraro oo qaranka u halbowle ah weeraraana kuwii loogu talo galay inay ummadda wax gaadhsiiyaan una shaqeeyaan.

Isku soo wada duubo arrinku waxa uu fadhiistay madaxweynaha iyo madaxtooyada oo aan isku raacsanayn xilka qaadista maareeyaha balse madaxweynuhu uu xal u arkay xilka qaadista maareeyaha madaama uu ku kacay wax ka baxsan sunaha dawladnimada maantana uu hormuud ka ahaa weerarka dhacay, balse madaxtooyadu aanay rali ka noqon xilka qaadistaasi door bidayaana in cukuse aanu ka danbayn khadar maxay tahay sababtu meesha waxa ku jiraa waynaa cajiib.

aan dib ugu noqdo dhacdo tan uun la mida oonse lahayn dagaal gacan ka hadal ah oo dibeda u soo baxay, waana mid ka dhex taagan ila hada wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Madaxtooyada oo ay sababtay Xafiiska Sama-falka Dib u dejinta oo hore u ahaan jirtay Madaxtooyada balse Madaxwweynuhu uu ka soo saaray Digreeto lagu hoos geeyey Wasaaradda Dib u dejinta, sida aynu ka warqabnana aan ilaa hada wasaaradaasi la hoos geyn xafiiskiina uu ku yaalo sheegtana madaxtooyada, u fiirso ma odhan karnaa maareeyaha Tv-ga iyo Samafalka madaxtooyada sii joogaa waxbay iska shabahaan oo madaxweynuhu wuu ku dhawaaqaa uun eedib waxba uma soo eego mana dhegeysto talooyinka masuuliyiinta ay hoostagaan maareeyayaashaasi, taasi waxa aan uga dan leeyahay xilka uu madaxweynuhu ka qaaday maareeyaha sidee ayuu hadan u dhan karaa ma wareejin kartid mise waxa jira musuq iyo wax la qarinaayo intaasi ka hor.

 

shacbigu yaab dawladii ayaa noqotay madax iyo mijo iyo iska daba wareeg maalin walba taagan waa dawlad shaqaaleheedu ka awood bateen masuuliyiintii kitaabka ku dhaartay.

Goobjooge ka mid ah shaqaalaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta

Comments are closed