|

Gudoomiyihii Hay’ada Xuquuqul Iinsaanka ee Human Rights Center oo 19 Cisho kadib Xoriyadiisii Goor dhawayd helay

Hargaysa 06.May 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyihii hay’ada xuquuqal iinsaanka Somaliland ee Human rights Center ayaa xoriyadiisii dib u helay kadib markii xukuumada Somaliland ee uu hoggaaminayo Axmed Siilaanyo xabsiga u taxaabtay Apr 18, 2015.

HRC-GULedGuddoomiye Guuleed Axmed Jaamac ayaa qoraal kooban soo dhigay barta xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga waxa uu uga mahadceliyay cid kasta oo gacan ka gaystay sii dayntiisa”Ilaahay baa mahad oo dhan iska leh. Waxan si wayn ugu mahad celinayaa dadkii, ururadii iyo dawladihii dadaalka aad ka u wayn ka galay in xoriyadayda aan dib u helo. Waxan sidoo kale u mahad celinayaa qof kasta oo af ama adin ka gaystay dadaalkaas ama uurka ka nacay xadhigayga”Guuleed Axmed Jaamac

 

Guddoomiye Guuleed Axmed Jaamac Dafac waxa uu  sheegay in aaanu cidna uga habranayn u shaqaynta dadkiis iyo dalkiisa”Waxan xidhnaa 19 maalmood. Waxan ahay muwaadin jecel dalkiisa Somaliland. Mana aha waxan ka hamranayo ama cid ka baryayo inaan dadkayga iyo dadka ku nool dalkayga aan u doodo xuquuqdooda, inaan u idhaahdo erey qof aan hadli karin, inaan sheego dhibta ruux dulman. Waxan u mahad naqayaa saaxiibadayda Human Rights Center-Hargeisa Somaliland oo aan hadh iyo habeen seexan una dhabar adaygay cadaadiska ay leedahay hawshani. Mahadsanidin dhaamaantiin.”ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

 

Guuleed Axmed Jaamac ayaa ah guddoomiyaha Human Rights Center Hargaysa

Comments are closed