|

Sarkaal Sare Oo Katirsanaa Madaxda Gobolka Banaadir Oo Saaka Toogasho Lagu Dilay

Muqdisho:May,06,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenkii Dhinaca Siyaasadda Degmada wada-jir ee Gobolka Banaadir Cabdifataax Barre Guue, ayaa Maanta Kooxo Hubaysan Ku Dileen Gudaha Magaalada Muqdisho.

dicGuddoomiye ku xigeenka, ayaa la sheegay inay Kooxo Hubaysani Rasaaseeyeen xilli uu saarnaa Gaadhigiisa oo Marayey siligga Ameerikaanka ee Degmada Wada-jir.

Waxaa la dhintay masuulkan mid ka mid ah ilaaladiisa sida ay xaqiijiyeen dad ka agdhawaa goobta falka dilka ah uu ka dhacay.

Baabuurka Guddoomiye  ku xigeenka uu watay ayaa lagu furay rasaasta, sidaasi ayuuna ku dhintay C/fataax Barre Guure.

Ragga dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay ku dileen masuulkan ka tirsan Maamulka Degmada Wadajir, waxaana muddooyinkaan dambe Magaalada Muqdisho ku soo badanaayay beegsiga lagu hayo Saraakiisha Maamulka Muungaab ka tirsan.

Muqdisho waxaa hore loogu dilay xubno badan oo ka tirsan Maamulka Muungaab, taasi oo muujinaysa sida uu fashil u yahay ama aan la isugu haleyn karin ammaanka Muqdisho, maadaama si fudud loo dilaayo masuuliyiinta ilaalada watay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed