Guddoomiyihii Guddida Dibu-eegista Distoorka Oo Is Casilaad Ku Dhawaaqday Iyo Madaxweyne Gaas Oo La Sheegay Inuu Ka Dambeeyey
Muqdisho:May,06,2015(SDN/QJ)-Marwo Xildhibaanad Caasha Geelle Diiriye oo ahayd Guddoomiyihii Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka, ayaa shaacisay inay iska casishay Xubbin-nimadii Guddidaas ay ka ahayd.
Caasha Geelle sheegtay in markii ay aragtay waqtiga hadhay aanay howshooda ku sii wadi karin, isla markaana shacabka aanay farxad gelin karin, waxaana ay xustay in aanay is casilin, balse ay xubinimadii Guddiga ay baneysay.
“Waxaa halkan ka sheegayaa inaan baneeyay xubinimadii aan ka ahaa Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka, markii aan ogaaday waqtiga hadhay inaan howsha ku dhameystiri karin”ayay tidhi Caasha Geelle.
Sidoo kale waxaa ay sheegtay in mudadii 11-ka bilood ee ay xilka haysay wax badan laga filayay oo aan lagu guuleysan sida ay sheegtay.
Caasha Geelle oo aheyd xubintii Puntland u matalaysay Guddiga madaxa banaan ee dastuurka ayay wararka qaar sheegayaan in is casilaadeeda ay ka dambeysay markii Madaxweynaha Puntland uu ka dalbaday inay xilkaas baneyso.
Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka ayaa waxaa sugaya, howsha ugu badan ee loogu gudbayo in dalka doorasho ka dhacdo sanadka 2016, waxaana Guddigan laga filayaa in sanadkan ay soo gaba gabeeyaan dib u eegista dastuurka, isla markaana afti loo qaado.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com