Khilaafkii Warfaafinta Oo Markale Curtay, wariyayaal Xabsiga Lagu Guray iyo Haweenka Madaxtooyada Oo Wasiir Cukuse Amar Culus Duldhigay
Hargeysa:May,06,2015(SDN/QJ)-Khilaaf culus ayaa markale ka dhex aloosmay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somalinand Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, kaas oo gaadhay in xabsiga la dhigo ugu yaraan toban kamid ah shaqaalaha, ayaa xabsiga lagu dhigay amar kasoo baxay wasiirka wasaaradaas.
Sida qurbejoog ku heshay xogo, waxa intii aan la garaacis iyo jidh-dil iyo garaacis lagula kacay wariyayaashaas ka hor intii aan la xidhin, kuwaas oo ilaa iyo haatan ku jira Saldhigga Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.
Sida xoguhu sheegayaan waxa wariyayaasha la xidhxidhay khilaafkoodu ka dhashay cabasho ay ka muujiyeen hannaan cusub oo wasiirku kusoo rogay shaqaalaha, kaas oo ay shaqaaluhu ka biyo diideen inay u hoggaansamaan.
Wasiirka, ayaa amar ku bixiyey inaanay gelinka hore xarunta wasaaradda iska geli karin shaqaaluhu, taas beddelkeedana ay geli karaan oo qudha shaqaalaha u leh hawsha maalintaas, waxana arrintaas ka cadhooday shaqaalaha wasaaradda oo ku tilmaamay inaan xaq loogu lahayn in xayndaabka wasaaradda laga celiyo.
Xubno kamid ah shaqaalaha wasaarada, gaar ahaan kuwa haatan xidhxidhan iyo ciidanka xayndaabka wasaaradda , ayaa isku dhacay, waxana shaqaalahaasi diideen inay u hoggaansamaan amarka wasiirku ku sheegay inay xarunta geli karaan Inta maalintaas shaqada u leh oo magacyadooda lagu soo dhejiyey xayndaabka askartu joogto.
Arrintan, ayaa waxa farogeliyey wasiirka oo amar ku bixiyey in la xidhxidho shaqaalahaas, waxana lagu guray saldhigga oo ay ilaa iyo haatan ku xidhan yihiin.
Sidoo kale waxa uu wasiirku u yeedhay cutubyo ciidamada RRU-da ah oo uu hoggaaminayo Taliye Fadal, kuwaas oo muddo gacanta ku hayey ammaanka Guud ee Xarunta Wasaaradda warfaafinta.
Wasiir Cukuse, ayaa Madaxtooyada looga yeedhay, waxana uu shir la galay Xubno la sheegay inay Aamina waris iyo wasiir Samsam ku jireen, kuwaas oo kala hadlay dhibaatada Wasaaradda ka taagan, isla-markaana ka codsaday inuu demiyo dhibta, maadaama haatan la beddelay oo meesha laga saaray Maareeyihii ay muddada dheer soo murmi jiree.
Wasiirka ayaa la sheegay inuu Ballan qaaday inuu arrinta dhulka dhigi doono, balse waxa uu shaqaalaha ku eedeeyey inay wadaan arrimo ka dhan ah Maamulka iyo siyaasadda wasaaradda, isla-markaana diiddan yihiin inay amarkiisa u hoggaansamaan.
Sidoo kale waxa uu warku intaas ku daray in Wasiirka laga codsaday inuu xorriyadooda u soo celiyo, isla-markaana uu dhameeyo wixii dhib ah ee meesha yaalla.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com