|

Wasiir Xirsi waa Dilaalka Colaada Qurulugud iyo Buuhodle

Wasiir Xirsi waa Dilaalka Colaada Qurulugud iyo Buuhodle

Ilaa intii uu xukunka somalilland la wareegay madaxwayne axmed silaanyo wax aka bilaabmay dagaalo u dhaxaysa degaanada qurlugud iyo buhoodle oo dhexmaray labada bilood ee walalaha oo isku ah habar wadaag ,ilmaabti , abti iyo awoowe ,seedi,sodog , ilmaabti,iyo dad ood wadaga isku yihiin ,Deganada Qurlugud iyo Buuhodle wax colaadi kamay jirin ilaa 1990 shan iyo labatankaa sanadood dadku waxay ku nolayeen nabad iyo barwaaqo , markii laysku qabtay baragahii kalshaale waxa bilaabay colaad sababay dhimasho iyo dhawac labada dhinac ee walaalaha ah .markii uu dhacay dagaalkii u horeyey ee kalshaale wasiirka madaxtoyada Somaliland Xirsi cali xaaji xasan  waxuu bilaabay inuu la wareego talada colaada oo uu ogalasho buuxda iyo mid dhaqaale iyo mid awood iyo mid siyasadeed uu ka talo bixiyey ,isagoo ka soo qaato madaxwayne silaanyo loona bixiyey mashruuc xirsi  isaga oo diray labada suldaan ee kala ah Suldaan Maxmuud Guleed iyo Suldaan Maxamuud xaaji Xasan. Labada suldaan oo ka soo jeeda beelwayna habar jeclo lona yaqaano salaadinta mashaaricda xirsi waxa wada tashi ah lamay samayn , salaadinta kale ee beesha ,cuqaasha iyo salaadinta kale ee beesha xuqasha iyo odayaasha siyaasitna deeganka labadn suldaan kama soo jeedo beesha degta qurlugud ama deeganka ku xiran jiida hawdka togdheer waxay bilaabeen goaamo uu xirsi u soo dhiibay  ,oo ah in aan colaadu la soo afjarin ,una muuqata mashruuc soo socda oo u hayeye wasiir xirsi oo ah awood kororsi  dheraad ah u ku helo . dhinaca kale ee reer buuhoodle wuxuu wasiir xirsi  xiriir la laha aodyaal iyo siyaasin ka soo jeeda oo xaga iyaguna colaada ka soo huriya  lacag aad u badana u wasiir xirsi xirsi ku bixiyo isagoo u mariya lacagta iyo rasaasba qaab kala duwan oo u marba dira salaadinta mashruuca saxaafada laga yiraahdo colaada waan soo afjaraynaa haddana mudo yar ka dib loo bilaabo .inta ka dhimatay beesha qurulugud wax aka masuul ahaa wasiir xirsi  sababtoo ah waa mashruuc u isagaka madax ahaa dilka wixii dhmtay  iyo waxii dhawacmay waa .Wasiirka madaxtooyada Somaliland madaxwayne silaanyo iyo Saleebaan Maxmuud Gudoomiyaha Guurtida, hadii ay colaadi ka dhacdo degaan ka mid ah Somaliland waxa ka masuula golaha guurtida ee uu gudoomiyaha ka yahay saleebaan gaal . Salebaan Gaal waxa uu ka soo jeeda beesha dagta qurulugud isagoo jooga hargaysa ayaa markii ay dhacday dagaalkii ugu horeeyey inuu u diro odayaasha golaha guurtida wuxuuka doorbiday inuu hawshii ay u xilsaarneyd golahiisa uu ku wareejiyo wasiir xirsi iyo labada suldaan ee uu wato markii ay colaadu u sii baladhatey wuxuu ku awoodi kari wayey inuu intuu odayasha guurtida salaadiinta beelaha reer Somaliland kaxaysto oo uu tago qorulugud iyo buuhodle  si uu u soo afjaro colaaada sokeeye eek a tagan degaankii uu u dhashay oo dadkiisku isku dilaayo  ma qabo inay ka tahay garasho ilaa manta uu ku taagarayo dilalka colaada sokeeye ee u hormeedka u yahay  wasiir xirsi waxa ay si dhaaf sadeen salebaan gaal iyo xirsi ma garanayo ilo lagu kalsoon yahay waxay cadeyeen inuu wasiir xirsi uu colaada ku helay lacag dhan 20milyan oo dollar oo ah lacagtii ay la hayeen muwaadinta xalaal quutada ah , lacagta cashuurta oo laga qaado e ay ahayd in wax laga qaade e ay aheyd in wa lagu qabto. Sida ceelal ,iskuulo dhaqtar iyo wixii  la mid ah.

Madaxwaynahu isaga shacabka  sharafta leh ee reer somaliland u dorteen madaxwayne daacadnimo iyo horumar  nin baa waxa u yir (Ninyahow sidaan kugu lisey igumaad hambayn).isaga wasiir xirsi inoo keenay una magacaabey wasiir inoo keenay una magacabay wasiirnimada isaga ayaa siiyey awoodaha xaddhaafka sida mashruuca dilaalista ee colaaeda qorulugud iyo buuhodle.

madaxwaynahu wuu u dagaal buuxda  la galay beesha degan ee qurlugud ,codame ,wadaamo,caynaba ee beesha kali ah oo solamadaw ,caynaba beesha solomadaw waa beesha kali ah oo aan u lahayn ,wasiir wasiir ku xigeen .Agaasime guud mareeye agaaasimo waxeed badhaasbyo , taliye ciidan wuxuu intaa ugu daray colaad uu huriye kala qayb qaybin iyo soolamadaw dhexdeedii  malhi maanta xil noo magacaw waayo waxay tahay xukuumadu (Qorax casar joogta)

Gabagabadii

Maanta waxa socota waan waan nabadeed oo an u soo dhawaynayno nabada laagu gama waxana jeclahay inuu ilahay ku guleeyo raga nabada wada labada dhinacba ah.

nabada iyo gogasha la dhigay waxa noogu garwadeen ah oo aanu siiney kalsoonidii odayaasha Degaanka qorilugud cid danbe uma dabo fadhiisanayno.

Shacabka reer somaliland waxaanu lenahay gacmaha is wada qabsada nabadana meel uga soo wada jooga.

 

Cabdiraxmaan cilmi Cali

dable1969@hotmail.com

Comments are closed