|

“Md. Madaxweyne Waa Inaad Ka Go’aan Qaadato Kuwa Siyaasadda Ku Saaqiday Ee Muraadka Guud Ee Beeshu Leedahay Qaldaya” W/Q: Eng. Abshir A. Maxamed

Dhulka danta guuda ee GAS M-ta oo qorshe ahaan dhan 25 Block ayaa hore xukuumad ahaan iyo deegaan ahaan layskula gartay inay ahaato dan guud, taas oo sababta gacanta loogu gelinayay madaxweynaha Somaliland  ay ahayd inuu Ammaan noqdo waayo hore ayaa loo yidhi Madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jirto.

Haddaba Maxaa dhacay?

Sida xaqiiqadu tahay koox gaar ah oo dan gaar ah leh ayaa si gaar ah Madaxweynihii  u tusay hummaag ka been sheegaya qorshihii  dhulkan danta guud ah gacanta loogu geliyey isaga,  iyaga oo arrinkanna khiyaamo qaran  uga dhigay, sidaas darted waxa  ay ka saxeexeen  laba waraaqood oo kala ah: Mar waxa ay kooxdani digreeto 14 Block ka saxeexdeen Madaxweynaha  iyaga oo ku qortay cid gaar ah, haddana dhulka ay doonayaan ee xilligan ay qorsheysteen fulintiisu waa 16 Block, Markii hadda lagu ogaaday qorshahoodana waxa ay damceen kooxdan gaarka ahi inay Beesha Ciidagale iyo Xukuumadda iska hor keenaan, iyaga oo qorshahooda iyo fulintiisa  hal ku dheg uga dhigaya “Dogreeto Madaxweyne”. Taas waxa ka sii daran in ciddii ka hadasha ama ka dhiidhida damacooda in loo dalbado RRU, sidaas darted waxaanu go’aan ku gaadhnay in aan ummadda u soo bandhigno tuugadooda:

1.       Waxay qarsadeen 9 Block, Madaxweynahana Been waxa ay ugu sheegeen in laba Block oo ka mid ah ay muraad ka lahaayeen, iyaga oo khalkhal gelinaya degenaanshaha iyo nabadgeliyadda buuxda ee Beeshu ku negida tahay.

Haddaba waxaanu leenahay:

a.       Ma aqbalayno wax kasta oo xaaraan ah oo ay cid gaar ahi ka been sheegto iyo in cid gaar ahi ku tagri fasho dhulkaas danta guud ahaa ee loogu talo galay  wadada cad ee  rag iyo dumarba hantidoodii  geliyeen.

b.      Madaxweynaha iyo xukuumadiisu mawqif cad ha  iska taageen qadiyadan hadii aanay wax lug ah ku lahayn ama siyaasad gaar ah uga jeedin wax is daba marintan isku cayn iyo bayd go’an, isla markaana waa inaan xukuumaddu haddii ay danaynayso shacbigeeda lagu beeran cadaawad uu ka shaqaynayo kursi doon.

c.       Waxaanu codsanaynaa in Madaxweynuhu ka go’aan qaato kuwa siyaasadda ku saaqiday ee waqti xaadirkan naxliga ka shaqaynaya.

d.      Muraadka guud ee Beeshu leedahay waa Wadadee yaan la qaldin Madaxweyne.

Allaa Mahad Leh

Eng. Abshir Axmed Maxamed

Hargeysa, Somaliland

Comments are closed