Islaamiyiinta Daacish Oo Sheegtay Weerarkii Texas, Magacyada Iyo Sawirrada Raggii Qaadayna Soo Bandhigay
Mousil:May,06,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta ka dagaallanta dalalka Syria iyo Ciraaq ee Daacish, ayaa sheegatay Masuuliyadda Weerarkii lagu qaaday Goobtii lagu dhiirigelinayey Samaynta Sawir-gacmeedya lagu aflegaadaynayo Nebi Muxamed N.N.K.H ee ku taallay Gobolka Texas ee Dalka Maraykanka.
Sida ay sheegtey Idaacadda Al-Bayaan ee ku hadasha afka dowladda Islaamiga ah, labo Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda Islaamiga ah ayaa weerar ku qaaday goob Xaflad ay ka socotey, waxaana halkaas ay ku dhaawaceen hal Askari, iyagoo markii dambe halkaas ku shahiidey.
Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegtey in Weerarkani uu ahaa mid lagu difaacayo Cirdiga Rasuulka Scw, oo gaallada maanta joogta ay aflagaadaynayaan.
Saq dhexe habeenkii Isniinta ayaa labo nin oo muslimiinta Ameerikaanka ka mida ayaa waxay Weerar ku qaadeen xarun ay ka socotey Xaflad oo ku taaley magaalada Garland ee Texas, waxaana ay rasaas isweydaarsadeen Ciidanka Booliiska muda gaadheysa 20 daqiiqo.
Labadii nin ee Weerarka fuliyey ayaa lagu kala magaacaabaa Mutakil iyo Nadir Soofi, waxaana ay sheegeen iney beyco kula jiraan Amiirka dowladda Islaamiga ah Sheykh Abuu bakar Al-Baqdaadi.
Dhinaca kale FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen laba wiil oo lagu kala magacaabo Elton Simpson iyo Nadiir Suufi, Islamarkaana midkood uu ahaa nin in muddo ah lagu dabajiray oo dhowrjeer isku dayey in uu safar hijro ah ku aado dalka Soomaaliya.
Document-yo ay faafisay Maxkamadda gobolka Arizona ee dalka Mareykanka, ayna soo daabaceen Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in wiilka lagu magacaabo Elton Simpson uu tan iyo sanadkii 2006-dii ku hoosjiray muraaqabo xoogan, Islamarkaana la xidhay sanadkii 2010-kii xilligaas oo uu abaabulayey safar uu ku aadayo dalka Soomaaliya si uu kaga qeybgalo Jihaadka ka dhan ah shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay.
SDN/QJ