Ciidamada Punt land oo ku soo Jeeda Tuulada Tuko Raq ee Gobolka Sool iyo Sababaha Keenay DHAGAYSO
Garowe 05.May 2015 (SDN/QJ)- Waxaa magaalada Garoowe ka baxay Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland kuwaasi oo ay sheegay inay kusii Jeedaan degmada Tukaraq ee gobolka Sool.
Maalintii shalay ayaa waxaa Degmada Tukaraq ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyaadka Khaatumo .
Ciidamada Puntland ay hada usoo dirtay Degmada Tukaraq ayaan la garanayn waxa uu qorshahoodu noqon doono, iyadoona la filayo inaysan wax dagaal ah qaadin oo shacabka uun Lagu Qancinayo.
Xunbaha ka socday maamulka Puntland oo saxaafada la hadlay ayaa tilmaamay inay suuragal tahay in deegaanka uu ka dhaco Dagaal hadii mar kale ay Ciidamada Somaliland kusoo laabtaan Deegaanka.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO UJEEDADA SOCDAALKA CIIDAMADA PUNTLAND
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Puntland05.mp3″]