“Ninka Hanjabaya ee Cirkaa Soo Dumaya leh Waxan Leeyahay Cirna Soo Dumi maayee Doorashaa Meesha Lagu Yimi Doorasho-na waa Lagaga Tegayaaye Doorashada…..” Boqor Buur-madow
Hargeysa:May,05,2015(SDN/QJ)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow, ayaa ka Hadlay xaaladda Guud ee Dalka iyo muranka ka taagan arrimaha Doorashooyinka, isagoo jawaab ka Bixiyey Dhawaaqyo beelaha qaar kaga soo horjeedaan Muddo-kordhinta Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo uu ku sheegay inaan loo baahnayn.
Boqor Cismaan oo isagoo Magaalada Dubai ku sugan u warramay wariye Saleebaan Sahal oo Caynabanew katirsan, ayaa carrabka ku dhuftay baahida loo qabo inaan laga tegin isu tanaasulkii somaliland caanka ku ahaan jirtey marka arrimuhu cakirmaan,
“Somaliland waxay halkaas kusoo gaadhay isu tanaasul iyo shacab dadkooda iyo dalkooda lexejeclo ka qaba, Guurtiduna waxay marwalba ahaayeen Gowsdambeedka dhibaato kasta oo dhacda” ayuu yidhi Boqor Cismaan.
Boqorka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in shakhsi ahaan iyo beel ahaanba ay qabaan in dalka doorasho ka dhacdo, isla-markaana uu madaxweynuhu si milgaha waafaqsan kaga tago oo ku dhiibo ammaanadii umaddu u dhiibatay, waxana isagooo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,
“Anigu waxan boqor ahaan soo jeedinayaa marwalba inay doorasho xor ah oo xalaal ahi dhacdo, Ka beel ahaanna Waxanu qabnaa madaxweyne siilaanyo halkgankiina taariikh buu ku lahaa, sharaf buuna kaga tegay, yadoo cidina aanay dhibaatayn sharafna waa lagu doortay markii dambe, maantana waxan hubaa inuu sharaf kaga tegi doono, waxa uu qabtay iyo horumarka uu sameeyeyna inaanu ugu abaalgudin dadkiisa dhibaato oo uu doorasho xor ah oo xalaal ah qaban doonana waa ka rajaynaynaynaa.”
Boqorku waxa uu jawaab ka bixiyey baaqyo soo baxayey oo Salaadiinta Beelaha qaarkood madaxweynaha ku cambaaraynayeen inuu dalka doorasho aan muddo dhaafin ka qabto, waxana uu yidhi,
“Dadkan durbaanada sharka tumaya ama hanjabaadaha ku hayana wax allah wax aan filayo oo qabanayaan ma jirto, waan ogahay rag aanu aanu walaalo nahay oo aan tixgelin badan u hayey oo af beeleed ku hadlayey oo hanjabayey, taasna waxan u arkaa inta ay naga fiican yihiin oo naga xadaarad badan yihiin.”
Waxa uu Boqorku sheegay in laga shaqeeyo sidii dalka doorasho uga dhici lahayd, isla-markaana aan laga shaqaynin hagardaamooyinka keeni kara in doorashadii sii laalnaato,
“ninka hanjabaya ee leh cirkaa dhaqaaqaya iyo dhulkaa dhaqaaqaya, waynu ognahay inaan cirna dhaqaaqayn dhulna dhaqaaqayn, doorashaa meesha lagu yimi doorashana waa lagaga tegayaaye doorashada yaan la carqaladaynin.” Ayuu yidhi Boqorku.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com