|

Sarkaalkii Ugu Sarreeyey Ciidamada Asluubta Maamulka Jubba Land Oo Xaalay Toogasho Lagu Dilay Iyo Xaaladda Oo Kacsan

Kismayo:May,05,2015(SDN/QJ)-Taliyihii Ciidamada Asluubta Maamulka Jubba Land Xasan Cismaan(xasan doob), ayaa Xalay Kooxo Hubaysan ku dileen Gudaha Magaalada Kismayo, waxana Ciidamada ammaanku wadaan tallaabooyin lagu raadinayo Ciddii dilkaas ka dambaysay.

Inta Badan Xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kismayo, ayaa waxa lagu arkayaa oo gaafwareegaya ciidamo tiro badan, waxana kooban dhaqdhaqaaqyada dadka rayidka ah ee saaka magaalada dhexdeeda ah.

Dilka taliyaha ayaa waxaa geystay rag hubeysan, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday markii ay dilka geysteen, mana jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay inay ka dambeysay dilkaasi.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in howlgallo isla xalay ka dhacay magaalada Kismaayo loo soo qabqabtay dad ku dhow toban ruux, kuwaasi oo looga shakiyay inay maleegeen dilka taliyihii Asluubta Jubaland.

Dhinaca kale ciidamada anabadgelyada ayaa baadhitaano xoogan ka wada waddooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, iyagoona baadhaya dhammaanba gaadiidka kala duwan, dadka iyo goobaha ganacsiga.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed