Somalia iyo Alshabaab oo Magac isku Mid ah Midba si Gooni ah u adeegsanayo iyo amar la siiyay Warbaahinta
Muqdisho 04.May 2015 (SDN/QJ)- Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Warbaahinta kala duwan ee ka hawlgala waddanka Soomaaliya ku amartay inay magac cusub oo ay u bixisay ugu yeedhaan waxa ay ka baahinayaan Malleeshiyada Al-Shabaab laga bilaabo taariikhda maanta ee 4-ta bisha May sannadka 2015-ka.
Magacan cusub ee ay dawladda Federaalka Soomaaliya ku amartay inay Saxaafaddu ugu yeedheen Kooxda Al-Shabaab, ayaa ah ‘UGUS’, kaasoo ay dawladdu sheegtay inuu u taagan yahay; ‘Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed’ oo marka la soo gaabiyo noqnaya UGUS.
Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dooneysa in loogu yeedho Al-Shabaab (UGUS) marka ay Saxaafaddu wax ka baahinayso Kooxdaas, ama ay si dheer u dhahaan ‘Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed’.
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare, ayaa sheegay in magaca Al-Shabaab oo ah dhalinyaro aan la wasaqeyn iyadoo lala xidhiidhinayo Koox Jihaad-doon ah. Waxaanu intaas ku daray, in kooxdu ay istaahisho magaca cusub, waxaanu taas ku sababeeyey in ay dhibaato dabar-goyn ah ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Al-Shabaab oo taa ka jawaabeysa, ayaa u adeegsatay dawladda Federaalka Soomaaliya, isla magacaas oo ay ku sheegtay ‘Uruurka Gumeeya Ummadda Soomaaliyeed’ sida ay ku faafiyeen Warbaahinta Afka kooxdaas ku hadasha ee Baraha Internet-ka wax ku faafiya.
Waa markii ugu horreysay ee ay Kooxda Al-Shabaab iyo dawladda Federaalka Soomaaliya sidan oo kale isugu yeedhaan magacyo dhinacba dhinaca kale u sameeyey oo ay ku amraan Warbaahinta in la adeegsado ama loogu yeedho magacyadan marka laga hadlayo dhinaca kale, gaar ahaan dawladda Soomaaliya ay sidan oo kale amar ugu bixiso in Saxaafadda dalku magacan cusub u adeegsato Al-Shabaab.