|

“Miyaanay ahayn Shirqool iyadoo laga faa’iidaysanayo xaaladda Liidata ee Madaxweyne Siilaanyo ee Aanu Ognahay inaanu wax muddo kordhin ah doonaynin oo uu waliba 26-ka June….”Muj, Cali Gurey

Hargeysa:May,04,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (cali gurey), ayaa ka Hadlay muranka cayimaada Xilliga Doorashada ee Guurtidu Guddida u saartay, waxana uu hoosta ka xarriiqay in ujeedadda Golaha Guurtida ee Arrintan ay madaxa ugu qaateen ay tahay inay laaluush iyo lacago qaataan.

cali guMujaahidka oo Maanta la hadlayey Warbaahinta faahfaahin ka bixiyey dariiqii  loo maray in heshiis laga gaadho dibu dhicii doorashada iyo cayimaadda maalinta Haatan Guurtida loogu baaqayo inay taageeraan, waxana uu eedda hore dusha ka saaray Guddoomiye Saleebaan uu sheegay inuu Beddelaad cid gaar ah u danaynaysa ku sameeyey xeer hore Wakiilladu umeel mariyeen,

“waxanu meel aanu ka marno weynay xeerkii Saleebaan iyadoo ay 54-xildhibaan Ansixiyeen ay golaha Guurtida kasoo celiyey ee Halkii ahayd Lix Bilood Gudahood uu ka dhigay lix bilood kadib. Inaanu arrintaas aqbalnaana go’aan adag bay ahayd.” Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.

Mujaahidku waxa uu sheegay in shirqoolka Doorashada dib loogu ridayo ay ka dambeeyaan Kooxo uu tilmaamay inay Xaaladda Madaxweyne Siilaanyo oo aan Degenayn ka Faa’iidaysanayaan, waxana uu xusay inuu Madaxweynuhu muujiyey sida uu diyaarka ugu yahay in Doorashadu aanay dib ugu dhicin, waxana uu yidhi,

“adduunyada laba arrin baynu kula noolayn oo la shaqo tegi jirney oo ahaa Nabadgelyad iyo Dimuqraadiyadda, cidda doonaysa inay labadaas inay Burburisaa miyaanay ahayn Shirqool iyadoo laga faa’iidaysanayo xaaladda Liidata ee Madaxweyne  Siilaanyo ee Aanu Ognahay inaanu wax muddo kordhin ah doonaynin oo uu waliba 26-ka June uu Raalli ka ahaa inay doorasho Dhacdo.”

Cali Gurey waxa uu tilmaamay In ujeedadda Golaha Guurtidu arrinta ugu maryihiin ay tahay inay laaluush iyo lacago ka qaataan Kordhinta Madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana kaliya Hungurigooda ay meesha ugu jiraan, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Guurtidu waa sidii ay Awalba ahaan jirtey, waxana loo laabayaa lacag oo laaluush  bay qaadanayaan, laaluushkaasina Go’aankooda ayuu ku xidhnaanayaan Wax u cusubna ma aha oo meesha Hunguri uun baa loo joogaa. Qolada Wakiilladuna ma ogola Doorasho, xeerkii Doorashada lagu geli lahaa ee lagu dooran lahaana may soo dhigin.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed