|

“Wallaahi Samsam-na Aad baanu iskugu wanaagsanahay cid aan ka cadhoodana garan maayo wasaaraddana iyadaa ka madax ah arrintaasiina waa….”Wasiir Waran-cadde

Hargeysa:May,04,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Ka Hadlay warar soo baxayey dhawaanahan oo sheegayey inuu dalka uga maqnaa cadho uu ka qaaday tallaabo wasaarada Maaliyaddu ku joojisay Lacago ay wasaaraddu hore u qaadan jirtey.

warancWasiir Cali Maxamed Waran-cadde oo  saxaafadda la hadlay mar uu shalay kasoo degay Garoonka Cigaal International, ayaa beeniyey jiritaanka wax khilaaf ah oo isaga iyo wasiirka Maaliyadda u dhexeeya“Wallaahi Samsam-na Aad baanu iskugu wanaagsanahay cid aan ka cadhoodana garan maayo wasaaraddana iyadaa ka madax ah arrintaasiina waa ururin uun dhanxiir sameeyey baan u malaynayaa” ayuu yidhi Cali Waran-cadde.

Muddooyinkii ugu dambeeyey ayey warbaahinta Somaliland qorayeen warar sheegaya inuu jiro khilaaf meel sare gaadhay oo dhexyaalla wasiirradda wasaaradaha Maaliyadda iyo Arimaha Gudaha, kaas oo salka ku haya hoos udhaca Dakhligii waddanka oo ay wasiir Samsam ku go’aansatay inay joojiso lacago aad u badnaa oo Wasaaradda Arrimaha Guduhu si gaar ah u qaadan jirtey.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed