“Habac-sanaanta Hawl-wadeennada Madaarka Jabuuti oo halis-galiyay Nolosha Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle” Wargayska Washington Post Iyo Jawaabta Jabuut
Washington 04.May 2015 (SDN/QJ)- Warbixin ay daabacday jariiradda Washington Post, ayaa daboolka ka qaadday habacsanaan ka jirta nidaamka shaqo ee hawl-wadeennada madaarka Jabuuti, gaar ahaan kuwa ku shaqada leh kala-hagista duulimaadyada diyaaradaha isticmaala Garoonka ugu weyn dalkaas ee ku yaala magaalada Jabuuti.
Sida lagu sheegay warbixinta, madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa laba sanno ka hor dirqi kaga bad-baaday shil-diyaareed, kaddib markii ay isku-dhici gaadheen diyaaraddiisa khaaska ah oo ka duulaysay garoonka iyo diyaarad ganacsi oo ay leedahay shirkadda Kenya Airways.
Jariiradda Washington Post oo warkan daabacday Khamiistii todobaadkan, waxa ay dhacdadan halista gelisay nolosha madaxweynaha Jabuuti daboolka kaga qaadday, xaalado halis ah oo ka jira nidaamka safarrada diyaaradaha isticmaala hawada dalka Jabuuti iyo sida layskugu hallayn karo ammaanka garoonka diyaaraha Djabuuti oo laga deyriyey.
Madaarka Diyaaradaha ugu weyn ee ku yaala magaalada Jabuuti, waxa sannad kasta isticmaala kumanaan diyaaradaha ganacsiga ah, balse waxa taas ka daran duullimaadyo badan oo ay ku sameeyaan diyaarad weyn oo ay leeyihiin Ciidamada Maraykanka, taas oo lagu tilmaamo inay tahay nooca loo adeegsado xog-ururinta iyo basaasidda goobaha ay ka hawl-galaan kooxaha Xag-jirka ah ee Bariga Afrika iyo Yemen
“Dhaq-dhaqaaqyada iyo Xaaladaha ka jira Camp Lemonnier, oo ah saldhigga ay isticmaallaan diyaaradaha hawl-gallada ka fuliya Yemen iyo Soomaaliya, ayaa noqday mid khatar ah oo keentay in diyaaradaha Maraykanak iyo kuwa Ganacsigu ay si isku mid ah u isticmaalaan Hawada magaalada Jabuuti, taasoo sababtay inay badbaadadoodu halis gasho,” waxa sidaas lagu sheegay warbixinta ay qortay jariiradda Washington Post.
Xogo laga helay waaxda Keydka macluumaadka dibadda ee Maraykanka, ayaa muujisay in khataraha dhinaca Hawada sare ay yihiin hab-dhaqan halistiisa leh oo ay raalli ka tahay dowladda Jabuuti, gaar ahaan waaxda Maamulka Hawada iyo hagista duulimaadyada ee madaarka Caasimadda.
Waxa ay warbixintu si gaar ah masuuliyad-darro aan laga fiirsan dusha u saartay Waaxda kala hagista duulimaadyada oo lagu eedeeyey inay saraakiisha ka hawl-gasha ee loo xil-saaray kala-ilaalinta iyo hagista duulimaadyadu ay iska dhego-tiraan baaqyada uga yimaadda duuliyayaasha diyaaradah ‘iyaga inta badan ku mashquul telefoonnadooda gacanta’.
“Maalin kasta oo garoonka diyaaradaha Jabuuti isticmaala ilaa 100 duulimaad, iyagoo in ka badan kala-badh duulimaadyadaasi ay yihiin Diyaaraha Milatariga Maraykanka,” Sidaas ayay jariiraddu ku sheegtay warbixineeda. Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay inuu fashilmay mashruuc ay ku kacayso Todoba Milyan Dollar oo dowladda Maraykanku ku maal-galisay horumarinta nidaamka duulimaadyada diyaaradaha.
Saraakiil ka tirsan Waaxda Duulimaadyada ee Maraykanka oo yu warramay jariiradda Washingtonpost, ayaa masuuliyad-darro iyo dayacaad xagga ammaanka ah u jeediyey Waaxda kala-xagta Duullimaayada ee Garoonka Diyaaradaha Jabuuti oo ay ku tilmaameen mid aan laysku halleyn karin. Waxaanay si gaar ah u eedeeyeen hawl-wadeennada saaran Terminal-ka Madaarka oo ay ku sheegeen inay si xad-dhaaf ah u isticmaala Qaadka Miirooga oo ay shaqada kaga mashquuleen, sida warbixinta lagu sheegay.
Haseyeesehee, dowladda Jabuuti ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedayntan. “Waxaas waxba kama jiraan, waxaan xaqiijinayaa in laysku haleyn karo ammaanka garoonka Jabuuti oo xataa ka nadboon madaaradda waddamada kale ee Carbeed,” Waxa sidaas jariiradda Washingtonpost u sheegay Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Washington, Issa Saher Bouraleh. “Haddii ay masuulyad-darro ku jirto oo ay qayilayaan, waxa maalin kasta la arki lahaa shil dhaca,” sidaas ayuu yidhi Mr Bouraleh.
Dhanka kale Dawladda jamhuuriyada Jabuuti ayaa beenisay ayaa beenisay warbixin laga baahiyay, taasoo ku eedaysay hawl-wadeennada madaarka dalkaas shaqo xumo halis-gelisay diyaaradaha Mareykanka ee isticmaala garoonkaas.
Warbixinta oo lagu daabacay jariirada Washington post ee kazoo baxda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay
diyaaradaha milateriga ee Mareykanka ee isticmaala saldhiga ay ku leeyihiin dalka Jabuuti, taasoo lagu sababeeyay feejignaan la’aan ay sameeyaan shaqaalaha hagista diyaaradaha ee garoonkaasi.
Jariirada Washingtonpost ayaa soo xiganaysa qoraalo ay milaterigu qoreen iyo khubaro dhinaca duulista hawada ah, waxaanay sheegtay in shaqaalaha saldhiga milateri ee ay isticmaalaan diyaaradaha Mareykanku ay iska dhega-tireen hagista dhinaca diyaaradaha, isla markaana ay ku mashquulaan ciyaaraha laga daawado telefishanada ee madadaalada ah, telefoono, hurdo iyo qaarkood oo qayila.
Safaarada Jabuuti ku leedahay dalka Mareykanka ayaa gaashaanka ku dhufatay eedayntaas ay ka qortay jariirada Washington Post
Qunsulka safaaradaas Ciise Daahir Buraale ayaa ku doodday in garoonku uu yahay amni, waxaanu xusay haddii shaqaalaha madaarkaasi ay hurdaan ama ay qaad cunaan in maalin walba shil dhici lahaa. “Waxaas waxba kama jiraan, waxaan xaqiijinayaa in laysku haleyn karo ammaanka garoonka Jabuuti oo xataa ka nadboon madaaradda waddamada kale ee Carbeed,” ayuu yidhi Qunsulku.
Washington SDN/QJ
contact@qurbejoog.com