|

Siyaasi Yuusuf Garaad oo dhaliil u soo Jeediyay Cabdi Kariin Xuseen Guuleed kulana taliyay inuu labada xil midkood isugu Lugo duwado

Muqdisho 04.May 2015 (SDN/QJ)- Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar ayaa Naqdiyay Hadal uu Warbaahinta Siiyay Siyaasiga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah Murashax u taagan Xilka Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Gobolada dhexe ee Somalia
Yuusuf Garaad ayaa u soo Jeediyay Cabdi Kariin Xuseen Guuleed inuu labada Xil ee Midna uu hayo Midna uu ruclada ugu Jiro uu Midkood ka Tanaasulo.
Wuxuu Yuusuf Garaad Qoraal kooban oo Boga uu Internetka ku leeyahay aanu ka soo Xiganay uu Ku Bilaabay “Cabdikariin Xuseen Guuleed Waa La Taliyaha Siyaasadda ee Madaxweynaha. Waana Murashax Dowlad Goboleed – ay dhisanayaan Galguduud iyo Mudu… Raalli ahow, Dowlad Goboleed Gobollada Dhexe.

y+c

Waxaan maanta dhegeystay Guuleed oo idaacad ka dhaliilaya war murtiyeed shalay ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha oo ku saabsan fadhigii Garowe. Ma hubo in uu murashax ahaan u hadlayay iyo in uu u hadlayay La Taliye Madaxweyne ahaan.

Waan fahmi karaa Cabdikariin maaddaama uu murashax yahay wuxuu rabaa in uu dadka Gobollada Dhexe isugu muujiyo in uu iyaga u hadlayo oo ayaga u maqan yahay. Waana laga yaabaa in ay taasi sax tahay.

Laakiin waxay taasi wax u dhimeysaa dhaqanka Dowladnimo ee dalkeenna. Maaddaama aanay habbooneyn in uu La Taliyaha Siyaasadda ee Madaxweynuhu uu idaacadaha ka dhaliilo war siyaasadeed oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Guuleed waxaa la gudboon in uu xilka faraqa ugu jira iyo midka geedka saaran ee uu ku hamminayo labada mid ka tanaasulo.

Taasi waxay u suurta gelineysaa in midka uu doorto uu u madax bannaanaado, uguna adeego si buuxda oo xor ah oo aan midka kale lagala tashaneyn lagana tasdiiqineyn.

Comments are closed