“Cabdi Weli Gaas Waxaan leeyahay Dhibaatada aad ka wado Gobolka Waa inaad Joojisaa” Cabdi Qayb diid oo dhaleeceeyay madaxweyne Gaaska Puntland
Gaalkacayo 04.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaalwe (Qaybdiid) ayaa ku gacan sayray natiijada kasoo baxday shirkii ay magaalada Garoowe ku yeesheen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada dalka.
Cabdi Qaybdiid oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay shirkaasi uusan waafaqsanayn dastuurka u degsan dalka.
Wuxuu tilmaamay in shirku ahaa mid lagu carqaladaynayo shirka maamulka loogu dhisayo bulshooyinka gobollada Mudug iyo Galgaduud iyo gabi ahaanba mustaqbalkooda, sidaa darteedna aan la aqbali karin natiijada kasoo baxday.
Waxaa kale oo uu Cabdi Qaybdiid dhaleecayn u soo Jeediyay Madaxweyne Gaas oo uu ku sifeeyay Shakhsi gobolka ka wada fadqalalo iyo rabshado uu isaga hor keenayo beelaha deris wadaaga ah ee wada dega Punt land iyo Gal madug .
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamullada Puntland, Konfur-galbeed iyo Jubba ayaa shir wadatashi ah oo saddex maalmood uga socday magaalada Garoowe ayay kasoo saareen war-murtiyeed ka kooban toddoba qodob oo uu ku jiro in maamulka lagu dhisayo magaalada Cadaado uu ka kobnaan doono gobolka Galgaduud iyo qaybta Koonfureed ee gobolka Mudug.