“Awoodda cayimaadda Maalinta Doorashada waxa iska leh Komsihanka Doorashooyinka. Guurtiduna rabaa inay Kordhiyaan Wakhtiga Xukuumadda ee 26-june dhacaya…..”Muj. Boobe Yuusuf Ducaale
Hargeysa:May,03,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay muranka ka taagan muddada rasmiga ah ee la filayo in loo kordhinayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada oo isku sidkan, waxana xisbigu faahfaahiyey cidda iska leh awoodaha muddada lagu cayimi karo qabsoomidda Doorashada.
Xog-hayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe)oo maanta Warbaahinta Kula Hadlay Xafiiskiisa, ayaa tooshka ku ifiyey jidka loo mari karo muddo kordhin kasta oo Golaha Guurtidu sameeyaan, waxana uu Awday Jidadka qaldan ee xukuumaddu udaliishanayso in muddo ka baxsan Midda Komishanku asteeyey loogu sameeyo Muddo-kordhin.
Mujaahidka oo arrimahaas ka Hadlaya, ayaa waxa Hadalladisii kamid ahaa,
“waxan jecelahay inaan waxoogaa iftiimiyo arrin muran badan dhalisay oo dadkii lagu jaahwareeriyey, marka laga yimaaddo intii hore ee la isku tuuri tuuri jiey Doorashadii cidba dib u dhigtay iyo cidkalaa dib u dhigtay, xaqiiqduse tahay in xukuumaddu si kas iyo maan ah ay dib ugu dhigeen imikana aanu caddayn doono, Komishanku waxay ku dhawaaqeen inay qaban karaan doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada 1-da bisha June 2016-ka, waxana ay soo jeediyey inay maalintaas suurtogal tahay inay doorashada qabtaan.”
Mudane Boobe oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in hadalladii dhiilada lahaa iyo hubaal la’aantii xaaladda dalka ka taagnayd soo afrantay maalintii Komishanka Doorashooyinku Iclaamiyeen Xilliga ay diyaarka yihiin, isla-markaana Ciddii kale ee awoodahaas lahaydna Hawraarsan kusoo dhaweeyeen,
“Saddexdii xisbi-qaran, Madaxweynihii, komishankii iyo Dadweynihii Gudo iyo dibadba xiisaddii taagnayd hoos bay udhigtay markii la ogaaday in daneeyayaashii ee taramaysay isku raacday ee ay ogolaadeen maalintaas Komishanka ee madaxweynihii warqadaas qoraalka ah ee rasmiga ah qoray Beesha caalamka iyo deeqda dhaqaale iyo deeqda Farsamo-ba bixin jirteyna way ku raacday, waana markii ugu horraysay taariikhda ee aynaan isku qabsan maalin caynkaas oo kale ah.” Ayuu yidhi Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.
Boobe Yuusuf Ducaale, Xoghayaha warfaafinta Xisbiga Waddani, waxa uu sheegay in maalintaas Komishanku cayimay ee sida weyn loo taageeray ay Haatan Guurtida hortaallo, waxana uu meesha ka saaray in cid kale qaadatay Awood Guurtidu lahayd, waxana uu yidhi,
“Maalinta Taageeradaas Haysata ayaa Golaha Guurtida hortaalla, waxana aad arkaysa laba qaybood oo shirar jaraa’id qabanaya, qolo taageeraysa Maalintaas Komshanku cayimeen oo sax ah iyo qolo kale oo kasoo horjeedda oo aad mooddo inay jaahwareersan yihiin oo odhanaya Golihii Guurtida ayaa awooddiisii la qaadanayaa,”
Xoghayuhu waxa uu faaqidaad iyo fasiraad gaar ah ku sameeyey awoodaha Golaha Guurtida iyo kuwa Komishanka qaranku kala leeyhiin, waxana uu caddayn qoddobaysan ku sheegay in Cidda iska leh cayimaadda maalinta Doorashadu tahay Komishanka Doorashooyinka, isla-markaana aanay jirin meel laga helayo in Guurtidu maalinta ay doonto ay iska cayimado, waxana uu yidhi,
“Markaad eegto xeerka Doorashada ee soo baxay 2001-dii soo baxay qoddobkiisa 8-aad iyo qodobka 14-aad Faqradda koowaad waxay leeyihiin awoodda cayimaadda Maalinta Doorashada waxa iska leh Komsihanka Doorashooyinka. Guurtiduna laba awoodood bay leedahay oo waa qodobka 42-aad oo Haddii Golaha wakiilladu doorashadiisu haddii ay dib ugu dhacdo dhulgariir iyo aafo qaran iyo nabadgelyo darro dib ugu dhacdo. 83-na way leeyihiin oo waa Haddii Doorashada madaxweynuhu dib u dhacdo oo arrin nabadgelyo daraadee dib ugu dhacdo, laakiin Golaha Guurtidu ma laha awood ay ku raraan maalinta Komishanku cayimay.”
Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe waxa uu hoosta ka xarriiqay xilka kaliya ee Haatan u yaalla Golaha Guurtidu inay tahay inay taageeraan Maalinta Komishanku cayimeen, waxana uu yidhi,
“Guurtida waxa looga Baahan yahay maadaama ay komshanku soo jeediyeen inay Doorashada qaban karaan 1-da June 2016-ka waxa laga rabaa inay Kordhiyaan Wakhtiga Xukuumadda ee 26-june dhacay inay kordhiyaan, qolo golaha Guurtida ahina waxay ku doodayaan inay komishanka doorashooyinku qaldameene inay na sugaan bay ahayd, laakiin may qaldamini si ay guurtidu muddada u kordhiso waxay u baahan tahay in loo calaamadiyo maalinta ay suurtogal tahay inay doorasho dhacdo oo ah 1-june 2016-ka.”
Xoghayaha warfaafinta Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in ay jiraan Awoodo Distoori ah oo sharcigu siiyey Komishanka Doorashooyinka, isla-markaana aanay suurtagal noqonaynin in dhawaaqyadooda dhegaha laga furaysto, sida uu Guddoomiye Saleebaan Hore usheegay,
“Komishanku awoodo distoori ah buu leeyahay oo uu xilkiisa ku gudanayo wax dhegaha laga furaysan karana ma aha, madaxweynuhuna warqad buu soo qoray uu leeyahay Golaha Guurtidu waajibkooda haka gutaan Muddadaas ayey cayimeen Komishankuye, qaddarin iyo tixgelin bay leedahay, haddana waxaynu arkaynaa dad ay xukuumaddu abaabulayso oo leh Muddo-kordhin halla sameeyo laba sano iyo saddexba ah.” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Boobe waxa uu madaxweynaha u soo jeediyey in Bulshadu magan ama marti uga tahay inuu hor istaago xaydnaanta iyo guclaha ay Habeen iyo maalinba xubno xukuumaddiisa ku jira ugu jiraan sidii muddo ka baxsan midda komishanka kasoo yeedhay loo samayn, waxana uu xasuusiyey inuu dib ugu laabto Hadalladii uu hore u odhan jirey,
“Madaxweynaha waxa magal looga yahay Hadalkiisii ahaa maalin la iguma darayo, hadalkiisii ahaa inuu komishanka ku raaco maalintaas iyo qoraalkiisii uu guurtida u gudbiyey inuu ka dhabeeyo oo xafiisyada ka hooseeya ama gobolada jooga ama Golaha Wasiirrada ku jira, ama xildhibaanada ku mamay Hantidii umadda inuu la hadlo oo u sheego inaanu dalku qaadi karin oo aanu daafad u haynin.” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
SDN/QJ
Somalidiasporanews.com