Xawaaladaha Soomaalida Uganda Oo Lagu Soo Rogay Sharciyo Adag Oo Hantidooda Halisgelinaya
Kampala:May,03,2015(SDN/QJ)-Golaha Sharci dejinta Waddanka Uganda, ayaa soo saaray shuruuc lagula dagaalamayo in kooxaha Xag jirka ah lacago loogu diro xawaaladaha, waxana shuruucdaasi caqabado ku yihiin xawaaladaha soomaalidu halkaas ku leedahay.
Shuruucdan cusub, ayaa dhigaya in lala wareegi karo Hantida shaqsiyaadka ku lug yeesha argagixisada ama la dili karo, taas oo niyad jab ku ridday dadka soomaalida ah ee Halkaas Xawaaladaha ku leh .
Sharcigan ayaa Booliska dalkaas u ogolaanaya inay la wareegaan Hantida shaqsiyaadka lagu helo danbi ah inay maalgaliyaan argagixisada.
Sharcigan la dagaalanka argagixisada ee ay Baarlamanka Uganda ansixiyeen, ayaa sidoo kale wuxuu dhigayaa in dil ay mutaysan karaan dadka lagu helo inay maalgaliyeen fal argagixiso, kaasoo sababa dhimasho & dhaawac.
Sharcigan uu Baarlamanka Uganda Baas gareeyay, ayaa wuxuu si gaar ah u quseeyaa Xawaaladaha Soomaalida halkaas ku leeyihiin.
SDN/QJ