Nuxurka Kulamo Uu Wasiirka Arrimahada Dibadda Somaliland La Yeeshhay Xubno Kamid ah Baarlamaanka Norway
Oslo:May,03,2015(SDN/QJ)-Kulamo gooni ah ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway la qaateen Xubno kamid ah baarlamaanka Waddanka Norway, kuwaas oo lagu lafo guray xidhiidhka labada dhinac leeyihiin.
Xubnaha Wasiirka iyo wakiilku kulamada la qaateen ayaa waxa kmid ahaa Hekki Holmas iyo Slyvi Graham oo caan ka ah Baarlamaanka dalkaasi.
Sidoo kule intuu Wasiir Bixi joogay magaalada Oslo oo uu hore ugula kulmay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda ayaa waxa kulamadiisii ugu danbeeyay ka mid ahaa kulan uu la yeeshay musharaxa Mayorka magaalada Norway Mr. Johansen
Mudane Wasiir Yonis ayaa kala hadlay masuuliyiinta uu la
kulmay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Baarlamaanada Somaliland iyo Norway, taageerada dhaqaale ee horumarka Somaliland, iyo sidii loo heli lahaa ganacsi dhex mara labada dal.
Wasiir Yonis ayaa u gudbay magaalada Geneva ee dalka Switzerland halkaasi oo uu kulan kula qaatay masuuliyiin sare oo ka tirsan hayada jimciyada Quruumaha u dhaxaysa u qaabilsan qaxootiga ee magaceeda loo soo gaabiye UNHCR oo ay ka mid yihiin Mr. Valentin Tapsoba, Agaasimaha Africa iyo kooxdiisa.
Wasiir Yonis ayaa kala hadlay UNHCRS Mashaakilaadka Yemen iyo Saamaynta Qaxootiga Yemen ay ku leedahay Somaliland, mashaakilaadka barakacayaasha iyo Qaxoontiga ku sugan Somaliland
sidii loo kordhin lahaa taageerada la siiyo iyo waliba in la balaadhiya
hawlgalada UNHCR ee Somaliland.
SDN/QJ