Nuxurka War-murtiyeed 7-Qodob Ka Kooban Oo Laga Soo Saaray Shirkii Garowe Uga Socday Dawladda Federal-ka iyo Maamul-goboleedyada
Garowe:May,02,2015(SDN/QJ)-Kadib muran iyo isfaham waa muddo soo jiitamayey, ayaa aakhirkii qoddobo la isku afgartay laga soo saaray shirkii Magaalada Garowe uga socday Dawladda Federal-ka Somalia iyo Maamul-goboleedyada.
Qodobada lagu heshiiyay ee ay isla garteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada ayaa ka kooban 7-qodob, waxana Qoddobka ugu horreeyaa ka hadlayaa Fulinta Heshiisyadii hore maamulladu uwada gaadheen, iyadoo guddi gaar ah arrintaas dabagalkeeda loo saaray.
Toddobada Qodob ee lasoo saaray, ayaa sidatan u dhignaa:
1:Fulinta heshiisyadii hore loo gaadhey
2:Dastuurka iyo arrimaha federaalka
3:Dhismaha maamullada qaybta ka noqonaya federaalka.
4:Higsiga 2016
5:Amniga
6:Qaybsiga khayraadka dabiiciga ah
7:Baahinta maamulka-
Qodobadaan ayaa waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada kala ah, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed.
SDN/QJ