|

Kenya Oo Ballan-qaad Lagaga Taageerayo Weerarrada Al-shabaab Kaga Imanaya Ka Heshay Midowga Yurub

Brugsels:May,02,2015(SDN/QJ)-Kulamo ay yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa loogu codeeyey in taageero dhinacyo badan ah waddanka kenya laga siiyo weerarrada Joogtada ah ee kaga imanaya Xarakada Al-shabaab oo ku sugan Gudaha waddanka Somalia.

liaTaageerada la siinayo Dalka Kenya, ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin sidii ciidamada waddanka Kenya loo siin lahaa tababar buuxa oo la xidhiidha ka hortagga weerar kasta oo kooxahaas ka yimaadda.

Sidoo kale kamid ah in ciidamada amaanka  laga taageero dhanka agabkii ay shaqeyn lahaayeen ciidamada booliska dalka Kenya, si ay u adkeeyaan amaanka goobaha ay weeraraan Alshabaab.

“Xubnaha baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa ka dooday fadhi ay yeesheen in midowga Yurub uu howlgal tababariyo agab siiyo ciidamada meletariga iyo kuwa booliska”Sidaasi ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay baarlamaanka Midowga Yurub.

“Howlgalkasi wuxuu noqon doonaa mid agab casri ah loo adeegsado si ciidamada meletariga Kenya kaga hortagaan weerarada ka dhanka ah Alshabaab oo kusii xoogeysanaya Kenya”ayaa qoraalka lagu yidhi.

Arintan ayaa jawaab u noqoneysa weerarkii Alshabaab maanta oo kale 2 April ay ku qaadeen jaamacada magaalada Gaarisa oo ay ku dileen 148 ruux oo ay ku jiraan 142 arday ah.

Qoraalka baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay iney ka xumaadeen weerarkii qasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed