|

Maamulka Puntland Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Sababaha Keenay Muranka Ka Taagan Shirkii La Filayey inuu Ka Furmo Magaalada Garoowe, Eedana u Jeediyey Dawladda Federal-ka

Garowe:May,02,2015(SDN/QJ)-Maamulka Puntland, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay Cakirnaanta  iyo isfaham waaga ka taagan shirkii la filayey in Madaxda Dawladda Federalka ah iyo Kuwa Maamul goboleedyada Dalku ku yeeshaan Caasimadda Garowe iyo Sababaha fashilaadda keenay.

xireCabdiweli xirsi Cabdille oo ahWasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland oo arrintan kala Hadlay Idaacadda VOA-da, ayaa qiray inay fashilmeen iskudayo la doonayey in Maamulkiisa iyo Dawladda Federalku wax isla meel dhigaan si meesha looga saaro Khilaafka labada dhinaca, waxana uu arrintaas ku eedeeyey dhinaca Dawladda Federalka somalia,

“Waxa jirey Qoddobo ay hore ugu heshiiyeen Puntalnd iyo Dawladda Federalka somalia, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Qaabka dhismaha maamul goboleedyada iyo Qaybisaga Khayraadka waddanka., kuwaas ayaana kamid ah in burburku yimaaddo.”ayuu yidhi Wasiir Cabdiweli.

Wasiirka oo waxa laga weydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo Qoddobada sida gaarka ah fuli waayey ee hore loogu heshiiyey, ayaa sidatan ku jawaabay,

“Dawladda dhexe oo aanu juhdi badan gelinay rajadii ay ahayd inay Puntland wax ugu soo kordhaan aanaan haynin, Heshiisyada aanu galnayna waxa kamid ahaa in marka maamullo la samaynayo in distoorka la raaco oo ah in laba Gobol iyo wax ka badani isu yimaadaan, Waqooyiga Gobolka Mudugna waxanu hore ugu heshiinay in dhinaca Puntland la raaciyo”

Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxda Dawladda Federalka ah ee Haatan Garowe ku sugani iska diideen inay heshiis heer sare ah u beddelaan oo madaxweynuhuna saxeexo Heshiisyo ay hore Maamulkiisu ula galeen Ra’isal wasaarayaashii Waddanka soo maray, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,

“qoladdii Dawladda federalku waxay yidhaahdeen heshiis ma gelaynee war murtiyeed baa lasoo saarayaa, waana idinku raacsanahay inay sax yihiin  wixii ay Ra’isal wasaareyaashii hore idinkula heshiiyeen, waana ku kala kacnay Guddiyaddayadii arrintaas naloo xilsaaray inkastoo madaxweyneyaashii wali joogaan.”

Maamulka Puntland iyo Dawladda Federalka Somalia, ayaa haatan khilaaf Ba’ani ka dhex aloosan yahay, waxana saadaashu sheegaysaa in is afgarashada labada ay adag tahay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed