|

Dibad-bax Rabshado Wata Oo Yuhuudda Ethiopia Kasoo Jeeddaa Ka Dhigeen Magaalada Qudus

Qudus:May,02,2015(SDN/QJ)-Dibad-baxyo Rabshado wata, ayey Yuhuudda kasoo jeedda Dalka Ethiopia ka dhigeen Gudaha Magaalada Barakaysan ee Qudus, iyagoo cabasho ka muujinaya Dhaqan ciidanka Boolisku kula kaceen Askari qoomiyaddaas kasoo jeeday.

Israeli protesters, Jews of Ethiopian origin, participate in a protest on what they say was police violence against their community in JerusalemInta la hubo waxa bannaan baxaas ku dhaawacmay ugu yaraan 15-qof oo shacab ahaa iyo 2-ka mid ahaa Ciidamada Ammaanka, iyadoo dadkaasi isku dayeen inay ciidamada iska caabiyaan.

Ciidamada amaanka ayaa adeegsaday sunta ilmada keenta iyo madaafic biyo ah si ay u kala firdhiyaan dadka mudaharaadayey. Dibadbaxayaasha ayaa ku jawaabay dhagaax iyo dhalooyin ay ku tuuraan booliska.

Dadka mudaharaadayey ayaa ka cadhoodey muqaal dhawaan la soo bandhigay oo 2 nin oo ciidamada amaanka ahi si xun ugu weerareen askari aslkiisu yahay Itoobiyaan, waxana Dadka isu soo baxay ay socod ku tagay xaruunta booliska Israa’iil.

Ilaa 120,000 qof oo ka soo jeeda Itoobiya ayaa ku nool Israa’iil iyaga oo aad u rumeysan in si liidata loola dhaqamo. Tiro badan oo dadkaas ah ayaa ku biirtay ciidamada Israa’iil iyada oo ay adag tahay in ay helaan shaqo aan ahayn miltariga.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed