|

Ollolaha Loollanka Baarqabada Murashaxnimadda Kulmiye Oo Mar kale Istaadhmay, Jarta Muuse Iyo Jara Raaca Samaale

Hargaysa 02.May 2015 (SDN/QJ)- Iyadoo ay u eg tahay in is rogashadii garabyada Kulmiye weli ka sii jirto dhinaca madaxtooyadda, ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya dhaqdhaqaaqyo uu gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi kaga raadinayo madaxtooyada ansixin buuxda oo xaqiijisa inuu keli ku yahay murashaxnimada madaxweyne ee xisbiga, taasoo ku dhawaaqisteedu ku xidhan tahay uun madaxweynaha, isla markaana waxa barbar socday shirar gooni gooni ah oo maalmahanba Cabdicasiis Samaale la lahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga ee gobolka Maroodijeex.

Labada Mas'uul ee Fiintu Dhex Miranayso

Labada Mas’uul ee Fiintu Dhex Miranayso

Siday sheegeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka helay illo u dhuun dalloola arrimaha xisbiga dhexdiisa iyo madaxtooyaddaba, gudoomiye Muuse Biixi wuxuu martiqaad u sameeyay wasiiro iyo xildhibaano baarlamaanka ka tirsan oo ka soo jeeda beeshiisa, isla markaana waxay xoguhu tibaaxeen inuu kala hadlay sidii madaxweynaha loo dhacsiin lahaa qorshahaa ee looga suuragelin lahaa dhankiisa inuu ku dhawaaqo inuu Muuse yahay murashaxa keliya ee dabadii xisbiga uga qaybgelaya tartarka doorashada. Wararkaasi waxay intaa ku dareen, in qorshahaa layskula qaatay kulankaa oo ahaa hadhimo la sheegay in ay ka dhacday huteelka Ambasador salaasadii.

Wararka qaar waxay tibaaxeen in qorshuhu ahaa mid gudoomiye Muuse ku tusayay madaxweynaha inuu haysto kalsoonida beesha, balse aanuu qasdigu ahayn mid madaxweynaha lagaga raadinayay inuu ugu dhawaaqo inuu murashaxnimada keli ku yahay. Ma kala cadda wararkaa is khilaafsan midka xaqiiqadu fadhido, hase yeeshee waxa la sheegay in Muuse, wasiiradda iyo xildhibaanada uu martiqaaday ay iyagoo isku dhan u tageen madaxweynaha. Warku wuxuu intaa ku daray in madaxweynuhu dhinaciisa uu ku dardaaray guud ahaantood in mid kastaaba difaaca siyaasada xukuumadda dhankiisa ka tiiriyo. Dhinaca kale xogaha Ogaal soo gaadhay waxay tusmeeyeen, in wasiiradda uu gudoomiyuhu la kulmay ay ka mid ahaayeen, wasiiradda ganacsiga, beeraha,wershadaha iyo wasiir ku xigeeno, isla markaana aanay madashaa tegin sadexda wasiir ee Maaliyadda, Qorshaynta iyo Arrimaha Dibaddu. Shaxdan cusub ee baadidoonka siyaasada ayaa la tilmaamay, inay ahayd fikir ahaan mid aanay ka madhnayn taageeradiisa wejiyada madaxtooyada qaarkood.

Dhanka kale, xogahaa qaar waxay sheegeen in Cabdicasiis Samaale laftiisu waday maalmahan ollole qunyar socod ah oo uu si hoose kulamo gooni gooni ah ula yeeshay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee gobolka Maroodi Jeex ka soo jeeda. Hogaanka xisbiga ayaa iyana sida xoguhu saadaalinayaan la filayaa inay bilaabaan ollole golaha dhexe ee xisbiga dhexdiisa ah. ma jiraan warar si toos ah uga soo baxay dhinacyadaasi.

Comments are closed