|

(Beesha caalamka ha bixiso lacagaha ay ugu yaboohday Soomaaliya) Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho 01.May 2015 (SDDN/QJ)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday beesha caalamka inay bixiso dhaqaalihii ay ugu yaboohday dowladda federaalka ah, si looga gudbo caqabadaha jira.

madaxweyne Xasan sheekhWuxuu tilmaamay in lacago badan oo ay ballan qaaday beesha caalamka, waxna looga qaban lahaa arrimaha amniga,  horumarka iyo hirgalinta hiigsiga 2016-ka aanan wali lasoo gaarsiin dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay  kulan xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta maamullada Puntland, Koonfur-galbeed, Jubba iyo qaybaha bulshada ee Puntland,

Madaxweyne Xasan ayaa dhinaca kale ka hadlay arrimaha nabadgalyada, dhismaha ciidammada qaranka, hiigsiga Soomaaliya ee 2016-ka iyo hirgalinta nidaamka federaalka.

Comments are closed