|

“Haddii aad Taageeri weydaan waxaa qaranku ku heshiiska yahay Waraabe Habeen ciyey kama Duwanaan doontaan. Shir-doceedka aanu maanta Halkaas ku Hayno ayaanu somaliland min bari ilaa ..”Suldaanka Guud ee Subeer Awal

Hargeysa:May,01,2015(SDN/QJ)-Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, ayaa luuqaddii ugu adkayd kula Hadlay Golaha Guurtida,  waxana uu uga digay inay Baalmaraan Maalinta Guddida Doorashooyinku u asteeyeen in Dalka ay Doorasho ka dhacdo.

reereSuldaaanka oo ka Hadlay Shir Madax-dhaqamameedka Biishiisa ugu sarraysa, Siyaasiyiin iyo Dhallinyaro ku yeesheen Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaan shacabku aqbali karin in Guurtidu Baalmarto Xilliga Doorashada ay u cayimiyeen Guddida Xaqa u lihi, isla-markaana Axsaabta iyo Beesha caalamku taageersan tahay.

Suldaan Xasan waxa uu Si gaar ah usoo qaatay Hadal hore uga soo yeeshay Guddoomiyaha Guurtida oo ahaa inay cid kasta dhegaha ku furaystaan oo aanay dhegaysan, waxana uu Suldaanku carrabka ku adkeeyey in la dhaafay xilligii dhegaha la furaysan jirey ee cid kali ahi talin jirey,

“arrinta heerka sare gaadhay ee shacbigu sida fiinta uga qaylinayaa waa muddu kordhin ka badan wakhtigaa lagu jaangooyey ee lagu asteeyey Doorashadeena, Haddiiba ay katimaaddo nimanka Guurtida loo yaqaano. Waliba waxaynu arkaynay Guddoomiyaha Guurtida Madaarka iyo Markii uu Golaha la hadlayey Dhegaha furaysta buu yidhi, Waxaynuse leenahay walaal Dhegaha la furaysan maayo Meeshanina meel digtaytar ah oo awood intaas le’eg oo aad haysaa ma jirtee Been ha isu sheegin.” Ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Hadalka kasoo yeedhay Gudoomiye Saleebaan uu ka baxsanaa Milgaha Odaytinimada iyo xilka uu qaranka u hayo, waxana uu farriin adag u diray xubnaha ku cusub Golaha Guurtida, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Saleebaan Waxanu leenahay si odaytinimo ah oo lagaa filayey umaad Hadlin, taas oo kalena Cago-juglayn bay u ekayd, Shacbiguna Kalsooni bay muujiyeen, Iyadoo Guurtida Boqol jeer dhamaatay oo xubnihii la doortay meeshii ka baxeen, waxana la idinku ixtiraamay inaad Halkaas sii fadhidaan, waxana ay aabayaashiin halkaad fadhidaan ku yimaadeen Saxeexayayagii.”

Suldaan Xasan waxa uu si cad u sheegay in Dhawaaq kasta oo Golaha Guurtida kasoo baxa, isla-markaana dhinacmarsan wakhtigii Komsihanku Asteeyey uu noqon doono mid aan lagu dhaqmi doonin, isla-markaana aan shacabku dheg udhigi doonin, waxana isagoo arrimaas ka Hadlaya uu yidhi,

“wax qaranku kusoo heshiiyey oo aydaan idinku ka guurtiyeen oo ay u guuro-bahalaynin oo aydaan ka fikirin baa ilaahay geyigeennii israaciyey oo ah Kawda Bisha June ee Sanadka dambe, Haddii aad Taageeri weydaan  waxaa qaranku ku heshiiska yahay Waraabe Habeen ciyey kama Duwanaan doontaa. Shirbaana la iskugu iman oo shirdoceedka aanu maanta Halkaas ku Hayno ayaanu somaliland min bari ilaa Galbeed iskugu keeni doonaa.”

Hadalkan kasoo yeedhay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, ayaa kamid ah Cadaadisyada xukuumadda iyo Guurtida lagu saarayo inay ka joogsadaan Muddo-kordhin wakhti dheer ah oo ay doonayaan inay Xukuumadda u sameeyaan, taas oo ah warwar ay qabaan Bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamkuba.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed