|

Xogo Daaha Ka Fayday Sababaha Soo Dedejiyey In Wasiir Cukuse Ka Libaysto Maareeye Khadar Cali Gaas Iyo Go’aanka Adag Ee Madaxweynuhu Dhegaha Kaga Furaystay Haween Ku Hor Baroortay

Hargeysa:May,01,2015(SDN/QJ)-Murankii Mudadda Sanadaha ah soo dhex jiitamayey Maareeyihii hore ee TV-ga qaranka Khadar Cali Gaas iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa xalay soo gebogeboobay, kadib markii uu madaxweyne Siilaanyo Maareeyahaas ka qaaday xilkii uu hayey.

gurrSu’aalaha ugu badan ee taagan xilligan, ayaa salka ku haya,  sababta keentay in Maareeyihii hore ee taageero badan ka haystay dhinaca Madaxtooyada, gaar ahaan Haweenka awoodda badan ee Qasriga ku xeerani uu xilkaas ka tago xilli xaasaasi ah, waxase haatan muuqata sida arrintaasi u dhacday ee uu madaxweynuhu ugu qancay inuu qaato go’aankaas culus.

Tibaabaxaha aanu Hayno, ayaa sheegaya in Murankii ugu dambeeyey ee uu maareeyuhu aloosay xilkiisii galaaftay, isla-markaana rabshado maalintii shalay Xarunta Wasaaradda ka aloosmay, ay keeneen inuu madaxweyne Siilaanyo ku qanco inuu labadaas masuul kala kexeeyo oo aanay dib usii wada shaqayn karaynin.

Dhacdooyinka naanays xumada ah ee shalay wasaaradda ka dhacay, ayaa ahaa qaar dhegaha madaxweynaha gaadhay, kuwaas oo salka ku hayey khilaaf dhexmaray Maareeyihii hore Khadar Cali Gaas iyo Wariye Abiib Iimaan Xasan oo ah Madaxa Wararka ee TV-ga qaranka.

Murankaas, ayaa gaadhay heer uu maareeyuhu warqad waaran ah usoo jaro wariye Abiib Iimaan, isla-markaana Xarunta wasaaradda ay soo galaan Hoggaanka Booliska oo uu ugu horreeyo Taliye Fadal, waxase arrintaas ka hortegay oo Ciidankaas ka diiday amarkii ay qabeen Wasiir Cukuse oo isagu ka dagaalamay in Wariyahaas la xidho.

Arrintani waxa ay gaadhay Meel sare, waxana soo farogeliyey Saraakiisha Xukuumadda kaga jira Gobolka Awdal oo Wariye Abiib kasoo jeedo, waxana Xarunta Wasaaradda soo gaadhay Raxan Wasiirrada iyo masuuliyiinta Reer Awdal u badan oo ka cadhaysan waxa lagula kacay Wariye Abiib oo horena dhibaato uga tirsaday Masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta.

Masuuliyiintan oo ay kamid ahaayeen Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Boostu, ayaa Madaxweynaha arrintaas kala hadlay, waxana ay muujiyeen in Wariyahaas gef cad lagula kacay, isla-markaana aanay ahayn markii koobaad, balse ay jireen Dhibaatooyin hore oo isla Maareeyuhu kula kacay, waxanna arrintaas garwaaqsaday madaxweyne Siilaanyo oo isagu dhegaha ka furaystay Shimbiro-waaqlayn kasoo yeedhay Haweenka Madaxtooyada ku xooggan oo ay hormood u ahayd wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxana uu qoray warqadda Xilka-qaadista Maareeye Khadar Cali Gaas.

Guushan u soo hoyatay Wasiir Cukuse, ayaa waxa badhi-taar u noqday Madaxda Reer Awdal oo madaxweynaha ku adkeeyey inaan qaranku u dulqaadan karin gefafka Maareeye Khadar Cali Gaas, taasina waxa ay keentay in wasiirka iyo Asxaabtiisuba Farxad geeraar Galaan, maadaama ay ka takhaluseen Maareeye Awood lahaa oo Madaxtooyada taageero Ballaadhan ka ahaystay.

Maareeye Khadar Cali Gaas, ayaa lama Taabtaan ka ahaa dhinaca Haweenka Madaxtooyada awoodda ku leh, waxana tallaabadani loo arkaa mid si weyn u wiiqaysa Helitaanka Malaayiin lacago ahaa oo Maareeyuhu ku shubi jirey Khasnadda Haweenkani gaarka u leeyihiin.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed